Banaanbax looga soo horjeedo damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya oo ka dhacay magaalada burco

Saturday January 06, 2024 - 13:26:17
0 Comments
100
ahmed raajaa
BURCO

Kumannaan shacab ah oo ka careysan damaca dowladda Ethiopia ee Badda Soomaaliya ayaa màanta isugu soo baxay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer

Shacabka Burco oo ka careysan heshiis benaadka is afgaradka ee madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed

Iyagoo isugu soo baxay waddooyinka magaalada Burco, kuwaas oo si weyn uga soo horjeystay damac gurracan ee Itoobiya ku dooneeyso badda soomaaliya.

Ka qeybgalayaasha banaanbaxa ayaa muujiyay dareenkooda ku aadan sida ay uga soo horjeedaan isku daygaasi,iyagoo sheegay in aysan aqbali doonin in taaka kamid ah dhulka iyo badda soomaaliya midnaba aan la siin karinItoobiya.

Maal mihii la soo dhkaafay waxaa ka dhacay guud ahaan dalka dibad baxyo waa-weyn oo looga soo horjeeda heshiis benaadka Itoobiya ay la gashay Somaliland,waxeyna shacabku mujiyeen sida aan marnaba loo aqbali karin ku xadgudubka qarannimada ummadda Soomaaliyeed.

Related Items


Leave a comment