Ururka Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweeyay bannaanbaxa berri ka dhici doona dalka

Wednesday January 10, 2024 - 13:42:05
0 Comments
138
ahmed raajaa
MUQDISHO
Ururka Shaqaalaha Dowladda federalka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay bannaanbaxa maalina berri ah ka dhici doona dalka, kaas oo looga soo horjeedo damaca Itoobiya ay ku doonayso in ay ku qaadato qayb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda, kadib markii heshiis beenaad ay la galeen maamulka uu hoggaamiyo Muuse Biixi.

Qoraalka ka soo baxay Ururka Shaqaalaha Dowladda waxaa lagu yiri waan soo dhaweeynaynaa bannaanbaxa maalinta khamiista ah ay shacabka Soomaaliyeed ku muujinayaan kuna canbaareynayaan heshiis beenaadkii dhax maray dowladda Itoobiya iyo maamulka Soomaaliland, kaasoo ay Itoobiya ku damacsan tahay in ay ku qaadato qayb ka mid ah badda Soomaaliya

Ugu dembayntii Ururka shaqaalaha Dowladda ayaa dhammaan shaqaala weynaha Soomaaliyeed ka codsaday in ay si weyn uga soo qeyb galaan bannaanbaxaas looga soo horjeedo heshiis ku sheeg dhexmaray ethopia iyo maamulka somaliland.

Meeaysane.com

Related Items


Leave a comment