Qarax xoogan oo maanta ka dhacay aga-gaarka xarunta maamulka Gobolka banaadir

Tuesday January 16, 2024 - 13:53:09
0 Comments
66
ahmed raajaa
MUQDISHO
Qarax xoogan oo si weyn looga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka banaadir ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxa uu yahay mid Ismiidaamin ah oo uu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qaraxa, isaga oo isku qarxiyay albaabka dambe ee xarunta maamulka gobolka Banaadir.

ilaa iyo iminka lama shaacinin khasaaraha ka dhashay qaraxaas Ismiidaaminta ah, iyadoo goobta qaraxa uu ka dhacay ay gaareen qaar ka mid ah gaadiidka gurmadka deg dega ah.

hase yeshee waxaa uu Qaraxaan kusoo aadayaa, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho ay ahayd mid aad u nabdoon, kadib markii ciidamada dowladda ay kordhiyeen howlgalada ay ku sugayaan amaanka muqdisho.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment