Madaxeynaha soomaaliya oo tilmaamay in Ethiopia ka laabato heshiiskii

Friday January 19, 2024 - 18:19:31
0 Comments
68
ahmed raajaa
MUQDISHO
Madaxweynaha Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey hoggaamiyaasha dalalka isbaheysiga dhex dhexaad ka ah (NAM) ayaa si adag u soo bandhigay mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xadgudubka Dowladda Itoobiya iyo cawaaqib xumada uu keeni karo haddii aanan si wadajir ah looga falcelin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri " Cawaaqib xumada ka dhalan karta is-afgaradkan waa wax aad looga xumaado mana ahan kaliya mid khatar ku ah madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, Sidoo kale , waxa uu halis ku yahay xasilloonida gobolka waxuuna fursad cusub siinayaa argagixisada ka jirta gobolka. "

Madaxweynaha ayaa tilmaamay hadii aysan ka noqon heshiikii ay la gashay somaaliland in aan lala galay wax dhex dhexaadin ah.

Related Items


Leave a comment