Dowladda Soomaaliya oo dalka ka mamnuucday Bacaha halka mar la isticmaalo

Thursday February 01, 2024 - 18:57:42
0 Comments
52
ahmed raajaa
MUQDISHO
Wareegto ka soo baxday wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu mamnuucay Bacaha halka mar la isticmaalo kuwaas halis ku ah deegaanka.

Wareegtada ka soo baxday Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka kooban laba bogg ayaa lagu sheegay in guud ahaan dalka laga mamnuucay soo dajinta iyo ka gacansiga bacaha fudud ee halka mar la’isticmaalo.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb. Khadiija Mohamed Almakhzoum ayaa soo saartay go’aannada soo socda:-

1- In gebi ahaanba Soomaaliya laga joojiyo soo dejinta, dhoofinta, soo saaridda, ka ganacsiga, iyo isticmaalka bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo laga bilaabo 30 ka Juun 2024.

2-In dhammaaan ganacsatada soo dejisa bacaha, warshadaha soo saara, ganacsatada tafaariqleeyda iyo goobaha ganacsi ee dalka lagu wargelinayo in laga bilaabo 30 ka Juun 2024, aan bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo dalka la soo galin karin lagana isticmaali karin.

3- Wasaaraddu waxa ay dhammaan shirkadaha iyo ganacsatada ku dhiirigelinaysaa hindisidda bedelka bacaha, kuwaas oo aan deegaanka waxyeelo u gaysanayn, Wasaaraddu gacan ayay ka gaysanaysaa taageeridda ganacsatada ku hawlan siddii loo heli lahaa walxo bedel ka noqda bacaha halka mar la isticmaalo.

Sidoo kale wareegtada ka soo baxday Wasaaradda ayaa lagu soo gabagabeeyey, "Haddaba waxaa lagu wargelinayaa dhammaan ganacsatada iyo shirkadaha ay quseyso warqadan in ay u hogaansamaan awaamiirta kor ku xusan. Waxaa laga codsanayaa dhamaan hay adaha dowladda ee warqadani ku socoto in ay gacan ku siiyaan wasaaradda dhaqan galinta wareegtadan.”

Related Items


Leave a comment