R/Wasaaraha oo ka hadlay ahmiyadda heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga

Wednesday February 21, 2024 - 16:32:52
0 Comments
57
ahmed raajaa
MUQDISHO
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa golaha Wasiirrada XFS uga mahad celiyay ansixinta heshiis taariikhi ah oo dowladda Soomaaliya ay la gashay dowladda Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashi dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha ah.

Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada ayaa ku tilmaamay heshiiska mid masiiri ah oo dhaxalgal u ah ummadda Soomaaliyeed.

Wuxuu shegay in heshiiskani uu yahay mid taariikhi ah, Soomaaliyana ay maanta yeelatay saaxiib iyo walaal dhab ah, kaas oo meesha ka saarayo in aynu biyaheenna iyo waxa ku jiraba uga baqno argagixiso, burcad badeed, kalluumeysi sharci darro ah, sun lagu shubo baddeenna.

Mudane, Xamsa oo ka hadlay ahmiyadda heshiiska u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa sheegay in heshiiskani uu suurto gelin doono in la tababaro lana qalabeeyo ciidankeenna badda, lagana faa’iideysto dhaqaalaha baluugga ah ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka mahad celiyay taageerada bini’aadannimo ee ay ugu fidiyeen xilli baahi weyn loo qabay, shacabka Soomaaliyana aysan illaawi doonin abaalka ay u gashay dowladda aynu walaalaha nahay ee Turkiga.

Related Items


Leave a comment