Farolow G/kacyo Xaalkeedu Madhawa inta Cadaaladi aysan jirin

Friday August 21, 2009 - 15:33:08
0 Comments
4979
Super Admin
Dhacdooyinkii ugu waawaynaa ee ka dhaca Gudaha magalada galkacyo ayaa waxa la dilay Masuuliyiin Miisaan Culus ku leh Puntland Horaantii Bishan Augst ayaa si Badheedh ah Loo dilay Wasiirkii Warfaafinta ee Puntland Alla u naxariistiee Warsame Aadan Shirwac Seefta Banaanka oo ay dileen besha CUMAR MAXAMUUD.

 

Waxa  la dilay  Taliyihii Guud ee Booliska Puntland Col. Juquraarfi si uusan sirta u bixinin, Waxaa sidoo kale si naxdinle Gudaha Masaajidka wayn ee Gaalkacayo loogu Toogtay 7-ka mid ah Culmada Tabliiqa ah waxana dilkaasi Fuliyay Rag hubaysan oo ka titsan ciidanka PISTA.oo ah ciidamada sirta maamul goboleedka puntland. 
 
Ilaa hada cid loo qabtay ma jiraan dhacdooyinkaas sababtoo ah waxaa fulisay Beesha uu ka soo jeedo madaxweynaha cabdiraxman faroole ee Maxamuud Saleebaan.
 
Hadaan u soo noqdo mowduuca aan la rabo inaan ka hadalo waa Sidaan lawada soconay waxay Beelaha Puntland in ka badan 11 sanadood la ildaraayeen dhibaatooyin ay kaga cabayaaan Maamulkii hore ee jiray sida cadaalad darro xaga awood qaybsiga ah, waxqabad la’aan, isqabqabsi ka jiray Maamulka Sare, hadaba Bulshada Reer Puntland waxay si aad ah u sugayeen isbedal dhinaca Maamulka ah oo dhibaatoyinkaas ay tabanayaan wax ka badela.

 

waxaase layaab noqotay Markii uu Xukunka Sare uu ku guulaystay ninkii ugu jeclaa uguna olole badnaa dadka isbedel-doonka ah sidii loo filayey inuu isbedel deg-deg ah sameeyo uu meeshiisii ka sii waday Cadaalad daradii ay Sameeyeen Maamulkii hore ee umadu ka qaylinaysay, iyadoo ay ka jirto dhammaan Beelaha Puntland degan ayaa waxaa tusaale kuugu filan Beelaha Majeerteen ka ah ee Mudug degan Cadaalad darada ka jirta oo aad shaxdan hoos ku qoran ku arki kartid sida loo kala badsaday Jagooyinka heer Gole-Wasiir, heer Gobol iyo heer degmo iyo Taliye Ciidanba. Beelaha Majeerteen ee Mudug degan waxay wax kasta oo soo dhexmara ku qayb sadaan 4 qaybood oo kala ah:

  1. Cumar Maxamud
  2. Reer Bicid-yahan
  3. Reer Maxamud
  4. Baho Majeerteen ( Idigfacle, Wabeeneeye, Amarti-waaq, Wadal-mogge, Nuux jibraahiil Daanwayne, Gumasoor, Amaanle

Dhamaan umada somaliyeed meel walba ay joogo waxba kalama socdaan cadaalada darada ka jirta Puntland gaar ahaan magalada galkacyo aqiristoow hadaad fiiriso shaxda maamulka gobolka mudug waxaa kuu soo baxaya waxaadan filaneynin oo ah in cid keliya isku koobtay dhamaan maamulkii ka jiray magalada galkacyo.hadaba sidee bey galkacyo amaan buuxa ku heleysaa hadii sidani wax yihiin ?

 

waxaa taas ka sii daran dhibaatada beesha xukunka isku gaar yeeshay ka wado magalada galkacyo dhac bareer ah, dil,  xasuuq barakicin.

 

1-C/nuur Maxamed Geeseey
Guddoomiyaha  Gobolka Mudug
Cumar Maxamuud

2-Maxamed Muuse Xuseen
Taliyaha Ciidanka Daraawiishta G/Mudug
Cumar Maxamuud 

3-Muxuyadiin Xuseen Calas
Iskuduwaha Shaqada iyo Shaqaalaha G/Mudug
Cumar Maxamuud

4-Jaamac Maxamed Cali
Maamulka Gobalka Mugud
Cumar Maxamuud

5-Cabdirisaq Caynab maxamed
Iskuduwaha Wasaaradda Ganacsiga G/Mudug
Cumar Maxamuud 

6-Bashiir Cabdullhi Adbaley
Iskuduwaha Wasaaradda H/Guud iyo Gaadiidka
Cumar Maxamuud 

7-C/shakuur C/llahi CaliCigaal
Xisaabiyaha Bankiga Laanta Galkacyo
Cumar Maxamuud 

8-Baddel Sugaal Xaabsay
Madaxa Xafiiska Tirakoobka Dadwaynaha D/G
Cumar Maxamuud 

9-Khar Dhuubane Axmed
Ciidanka Ilaada Deegaanka Dagmada
Cumar Maxamuud  

10-Cabdusalaad Warsame
Madaxa Canshuurada Dadban ee W/Maaliyada
Cumar Maxamuud  

11-Maxamed C/lahi Faarax
Madaxa Waaxda Dhulbixinta D/HooseGalkacyo
Cumar Maxamuud    

12-.Sicid Cali Yusuf(Gadayare)
Xisaabiyaha Guud ee Gobalka Mudug
Cumar Maxamuud    

13-Axmed Cali Salaad
Duqa Magaalada Galkacyo
Cumar Maxamuud 

14-Siciid C/rixmaan Yuusuf
Maareeyaha Garoonka Diraadaha Galkacyo
Cumar Maxamuud  

15-Yaasiin Axmed Cilmi
Taliyaha Ciidanka P.I.S Gobalka Madug
Cumar Maxamuud   

16-Warsame Yuusuf Axmed
Taliyaha Ciidanka C.I.D Gobalka Madug
Cumar Maxamuud 

17-Sacdi Faarax Xasan
Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Godaad G/yo
Cumar Maxamuud   

18-Maxamuud C/qaadir Xasan
Taliyaha Saldhiga Dhexe ee Galkacyo
Cumar Maxamuud    

19-Cabdisalaan sanyare
Taliyaha Ciidanka |Garoonka Diyaarada G/yo
Cumar Maxamuud 

20-C/rixmaan Cali Warsame
Guddoomiyaha Waxbarashada Gobalka Mugud
Cumar Maxamuud   

21-Maxamed Cabdi Faarax
Guddoomiyaha  Waxbarashada  Deg.Galkacyo
Cumar Maxamuud      

22-Cabdirisaaq Cumar Gaab
Khasnajiga Dowlada  Hoose Deg. Galkacyo
Cumar Maxamuud      

23-Siciid C/qaadir Yuusuf
Madaxa maamulka Lacagta C.Darawishta G/M
Cumar Maxamuud      

24-Xasan Maxamed Jaamac
Agaasimaha Radio  Galkacyo
Cumar Maxamuud      

25-Maxamuud C/nuur Aadan
Agaasimaha hay’adda HADM Gobalka Mugud
Cumar Maxamuud           

26-Cabdi Jaamac Nugaal
Madaxa Baarista danbiyada Saldhiga DhexeD/G
Cumar Maxamuud     

27-Aadan Nuur Qaal
Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Gobalka Mudug
Cumar Maxamuud       

28-C/llahi Nuur Shabeel
Iskuduwada Dowladaha Hoose Deg. Galkacyo
Cumar Maxamuud   

29-Bashiir Cilmi Xasan
Xisaabiyaha Dowladda Hoose Deg Galkacyo
Cumar Maxamuud        

30-Bile Xaaji Cali Ciise
Maamulaha Ispitaalka Guud ee Galkacyo
Cumar Maxamuud  

31-Bashiir Maxamed Mire
Guddoomiyaha Ku Xigeenka 2aad ee G/Mugud
Cumar Maxamuud       

32.Shikh C/salaam Mac.Ax’ed
Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad
Cumar Maxamuud       

33-Cabdulaahi Cali Bare
Maamulaha Bankiga Laanta Galkacyo
Cumar Maxamuud .

 

Waa hubaa nin kasta oo arka shaxda kor ku qorani inuu la yaabayo Cadaalad darada ka muuqata awood qaybsiga Beelaha walalaha ah oo wada degan gobolka Mudug waxaa intaas dheer in aan loo wada sinayn dhinaca khayraadka wadanku leeyahay sida kaluumaysiga. Waxaa intaas garabsocda in marka loo baahdo daafica guud ee Deegaanka Puntland iyo gaar ahaan difaaca gobolka Mudug ay beeluhu si siman uga soo qayb galaan difaacaas.


Waxaa xusid mudan in Beelaha aan ahayn Majeerteen ee degan gobolka Mudug iyaguna ay tabanayaan Cadaalad daro ay ku samaysay Beesha majeerteen. Hadaba Beelahaas iyo kuwa kale oo degan deegaamada gobolka hoos yimaada Maamulka Puntland ee tabanaya Cadaalad daro ku raagtay waqti intee le'eg bay u dulqaadan karaan Cadaalad daradaas ?
 
Waxaa xusuus mudan in dagaalada dheeraday iyo Colaada la dabin waayey ee Soomaliya baabi iyey ay salka ku hayso Cadaalad daro ay isku Sameeyeen Beelaha Soomaliyeed walina loo tirinayo Beelaha hadda gacanta ku haysta xukunka Puntland inay aabe u ahayd Cadaalad daradaas Soomaliya dhaxal siisay Dawlad la'aanta nidaam darada iyo silica.


Dulmigaas iyo Cadaalad daradaas mid lamid ah oo haatan hareeysay Puntland ayaa wuxuu keeni karaa Colaad ay ku kala fogaadaan beelaha Puntland wuxuuna sababi karaa dagaalo, nidaam la'aan ismaqal la'aan iyo Beel waliba inay heshiis la gasho Beelaha Soomaliyeed si ay u hesho xuquuqdeeda Beelnimo, mar haddii ay ka dhex weyday Maamulka ay ka tirsanayd taa soo dhaawici karta midnimada Beelaha Puntland. Waxaan la daawan Karin sida loo qaybiyey Jagooyinka Dawladda Heer Gobol illaa Heer Degmo iyo Heer Puntland.


Waxaa kale oo Beelaha Puntland wada wadaagaan in laga qaado Canshuur aad u tiro badan wax loogu qabtana aysan jirin loona adeegsado sidii iyaga loogu kala qaybin lahaa looguna samayn lahaa Cadaawad la dhexdhigo iyaga iyo Beelaha walaalohod ah iyo kuwa dariska ahba, hantidaas aadka u badan oo aan shacabka waxba looga qaban oo ay siday doonaan ka yeelaan madaxda isku Jifada ah ee gacanta ku haysa.

 

Waxaa garab socda in markasta la xaraasho ama ay iska dhistaan hantidii guud ee Qaranka Soomaliyeed sida dhulka danta guud ahaa oo qaarna ay gataan qaarna dhistaan iyagoo ka gadaya kuwa ay isku Beesha Hoose yihiin
 
GUNAANUD.
 
Faroole hadii uusan wax ka qaban cadalad darada ka jirta gobolka mudug in aan la heli doonin amaan waafi ah bal waxaa qiilqiil galeysa in uu sii haado madaxweynaha maamul goboleedka puntland.

 

Xuquuqda Qoraalkaan waxaa iska leh

CABAAS CALI

goldogob2006@hotmail.com

Related Items


Leave a comment