Idaaacado la faray joojinta Muxadaroyinka Sheekh Mustafa Haaruu

Wednesday October 27, 2010 - 09:44:00
0 Comments
5295
Super Admin

Idaacado ku yaala Gobolka Gal-gaduud ayaa shaqa joojin sameeyay markii la faray joojinta Muxaadarooyin Diini ah oo uu jeedin jiray Sheekh Mustafa.

Idaacadaha kala ah Caabud-Waq Radio,Codka Galgaduud iyo Idaacada Badbaado ayaa shaqadooda joojiyay iyagoo soo bandhigay sababta shaqada ay u joojiyeen.

Idaacadahaasi ayaa la faray in ay joojiyaan Baahinta Muxaadarooyinka kala duwan oo ay saraakiisha Ahlu sunnah sheegeen in ay necebyihiin.

Saraakiisha ahlu sunah ayaa Idaacadahaasi amray in ay joojiyaan Muxaadaraadka uu duubay Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun iyo Wadaadada kale.

Saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen in aan Gobolka dhan laga maqli Karin Muxaadarooyinka ay duubaan Wadaadada ay u yaqaanaan “Wahaabiyada” oo ay Sheekh Mustafa ka magacaabeen.

Saddexda Idaacadood ayaa waxaa sidoo kale la faray in aanay Alshabaab dhihi Karin Xarakada Mujaahidiinta taasi oo ay sheegeen in ay sharci ka bax tahay.

Saddexda Idaacadood ayaa hawada ka maqan waxaana ay ka biya diideen amarka ahaa Joojinta Muxaadarooyinka Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun oo ay soomalida aad u jecelyihiin Muxaadarooyinkiisa oo uu ku dabaqo xaalada haatan dunida marayso.

Related Items


Leave a comment