Ugaas Cumar Geelle oo hanbalyo u diray Ugaas Hassan Ugaas Khaliif

Friday July 29, 2016 - 08:31:25
0 Comments
3703
Ugaas Cumar Geelle Mohamed oo ka mid Isimada Soomaaliyeed,gaar'ahaan Ugaas Beesha Yuusuf Daarood (Awrtable) oo sanadihi danbe ku noolaa dalka Uk ayaa hanbalyo u diray Ugaas Hassan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo 25 bishaan lagu caleema saaray Magaalada Beled-weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.


Ugaas Cumar Geelle Mohamed ayaa hanbalyo u diray umadda Soomaaliyeed,gaar’ahaan Shacabka reer Hiiraan oo uu sheegay in ay heleen Hoggaan dhaqan oo soo jireen ah,,wuxuuna ku ammaanay reer hiiraan in ay yihiin dad ku xeel dheer arrimaha dhaqanka & Soomaalinimada.

Ugaas Cumar oo la hadlay War-baahinta radiosyl ayaa Alle uga baryey in uu u fududeeyo Masuuliyadda Culus ee loo caleema saaray Ugaas Hassan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble,wuxuuna Beesha Xawaadle Ku amaanay sida ay u ilaaliyaan dhaqanka.

Ugaas Cumar ayaa sheegay in shacabka reer Hiiraan ay yihiin Gobolka kaliya ee dhaqanka aad u ilaaliya,isla markaas-na Soomaalinmada & ka shaqaeynta umadda soomaaliyeed isku keenkoda caan ka ku yihiin….

W/d.Abdullaahi Ali Faraah .

Related Items


Leave a comment