Garowe Oo Lagu daweynayo 150-Haween Ah Oo Qaba Isku-furanka

Saturday August 27, 2016 - 18:33:17
0 Comments
1152

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Cabdinaasir Cismaan Ciise ayaa shir jaraa,iid oo uu maanta ku qabtay Isbitaalka guud ee magaalada Garowe qaliimada Wasaaradiisu ku samaynayso 150 haween ah oo laga daaweynayo xanuunka Isku furanka, kuwaas oo kala yimid gobolladda Puntland iyo Kuwa dariska la ah sida gobolladda dhexe.

Wasiirka oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa booqasho ugu tagay dhamaan bukaanada yaala Isbitaalka guud ee magaalada Garowe , gaar ahaan haween qaliimo lagu samayeeyey oo laga daweynayo xanuunka isku furanka dumarka .

Wasiirka ayaa faahfaahin ka bixiyay marxaladihii uu soo maray barnaamijkan oo si lacag la,aan ah looga faa,iideynayo dumarka uu haleelay xanuunka Isku furanka ,Wuxuuna ugu baaqay inay ka faa,iideystaan howshan Wasaaradda Caafimaadku ka wado  Isbitaalka guud ee magaalada Garowe.

Dhinaca Kale Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa ugu bishaareeyay ummadda gaar ahaan reer Garowe inay gacanta ku hayaan mashruuc balaaran oo lagu dhamaystirayo sanadka soo socda 2017 dhamaan baahida in muddo ah ka jirtay isbitaalka guud ee magaalada Garowe.

Related Items


Leave a comment