Hoggaamiyaha Dhabta ah waa kan ilaaliya dareenka Shacbigiisa

Sunday April 30, 2017 - 17:12:48
0 Comments
1469
Hogaamiyuhu waa kan ka kasbada shacbigiisa inay taageeraan, waana inuu noqdaa mid geesi ah oo leh awooda rabitaan ee uu isbadel ku samayn karo.


Waana inuu yahay mid haysta kolsoonida taageerayaashiisa, wuxuu curin karaa fikrado kicinaysa xamaasada dadkiisa wuuna la doodi karaa dadka isaga oo ku qancin kara fikradahaasi wuuna ku kasban karaa qalbigooda iyo caqligooda, wuxuu darsaa dabeecadaha dadka, wuxuu bartaa fanka iyo xirfadaha hogaaminta wuuna ku dhaqmaa, ma quusto, waa mid go’aan leh, wuxuu ilaaliyaa mooralka dadkiisa, wuxuu ka adag yahay naftiisa, wuxuu yaqaanaa sida uu u doorto raga iyo haweenka ku haboon shaqoonyinka ay qaban karaan, wuxuu yaqaana waajibaadkiisa, wuxuu sugaa shaqadiisa, wuxuu daacad u yahay howshiisa, wuxuu soo saari karaa go’aammo ceeb la’aan ah, waa deggan yahay oo ma fududa, wuxuu diyaar u yahay inuu u bareero khatar walba, ugu dambeyna waa qof si adag u haysta kuna dhaqma diintiisa.

Doorashaddii 8-dii Febraayo ee sanadkan ee uu ku soo baxay Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa aheyd mid ka turjumeysay rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed, isagoo taasi ka duulayay ayaa waxa uu ku dhaqaaqay tallaabadii uu dadku ka filayay, waxaa uuna Madaxweynuhu qadaay talaabo uu ugu dhawaanayo dareenka shacbiga iyo quluubtooda isagoo kulan kula qaatay Xarunta Madaxtooyada Qoyska Marxuum Tahliil Jimcaale Hubane oo dhawaan Shil Baabuur ku geeriyooday.

Kulankan Madaxweynaha uu la qaatay qoyska Marxuum Tahliil ayaa waxaa ku wehliyay Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Cumar Cismaan” eng. Yariisow”, Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi C/raxmaan Yuusuf Al Cadaalla iyo Agaasimaha SNTV Liibaan Cabdi Cali,waxaana Madaxweynaha uu ehelada Marxuumka uga tacsiyadeeyay gaaridaasi, dowladdana ay ka garaabeyso, waxaa kaloo uu sheegay inuu amray in xabsiga la dhigo darawalkii waday gaariga, si loo baaro shilkaas inuu si ku tala gal ah ku dhacay iyo inay aheyd si kama’ ah.

"Marxuumka naxariistii Janno Alle ha ka Waraabiyo, Qadar ayuu ku dhintay, Dowladda Soomaaliya way ka garaabeysaa Geerida Marxuumka, Ehelkana waan la qeybsanayaa tiiraanyada, sida uu shilku ku dhacay baaris ayaa ku socoto waxaana idiin ballanqaadayaa in xuquuqda marxuumka aysan dowladdu meel cidlo ah kaga dhaaqiqo doonin”ayuu yiri Madaxweynaha.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan”Yariisoow” oo kulanka kadib qabtay Shirjaraa’id, isagoo uu garab taaganyahay Cabdi Jimcaale Hubane oo la dhashay Marxuumka geeriyooday ayaa ballanqaaday in ay diyaar u yihiin sidii loo ilaalin lahaa Xuquuqdii Marxuumku uu ku lahaa Dowladda Soomaaliya, Isagoo Qoyska guddoonsiiyay Lacag loogu talagalay in duco loogu sameeyo Allaha u naxariistee Marxuum Tahiil Jimcaale Hubane.

Cabdi Jimcaale Hubane oo goobta ka hadlay ayaa mahadcelin weyn u jeediyay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, wuxuuna arrin ugub ku ah Soomaaliya ku tilmaamay sida loo Ixtiraamay Qoyskooda, dowladda Soomaaliyana uga garoowday shilka uu ku geeriyooday walaalkii Marxuum Tahliil Jimcaale Hubane.

Allaha u naxariistee Marxuum Tahliil Jimcaale Hubane ayaa ka mid ahaa Howlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, isagoo sidoo kale ahaa Farsamayaqaan sare oo la soo shaqeeyay Kooxdii Fanka IFTIN ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Soomaaliya Xilligii Dowladdii Dhexe ee Marxuum Maxamed Siyaad Barre.

Haddaba tallaabadan sow uma muuqato u dhawaansho Madaxda Dowladdu ugu dhawaaneyso dhanka shacabka ay mas’uulka tahay, waana waxa ay Shacbku ugu yeereen Dowladdii Shacabka, islamarkaana looga baahan yahay inay dhowrto xuquuqda dadka.


Waxaa Qoray:- C/laahi Ruush

Related Items


Leave a comment