Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo Amray Baarista Heshiiska Uu Saxiixay Wasiirka Batroolka

Monday February 21, 2022 - 16:15:28
0 Comments
376
MUQDISHO

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleeymaan Maxamed Maxamuud  ayaa amar ku bixiyay in la baaro heshiiskii shidaalka ee uu saxiixay Wasiirka Wasaaradda Batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed, kaas oo uu ka horyimd Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayuu ku sheegay in uu xeer ilaaliyaal u Magacaabay si baaris loogu sameeyo talaabada ku haboona loo qaado heshiiskii shidaalka ee
uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, iyada oo laga ambaqaadayo baaritaankii hordhaca ahaa ee uu sameeyay Hantidhowraha Guud ee Qaranka.

R/wasaarah XFS oo ka hor yimid heshiiskas ayaa amray in baaritaano lagu sameeyo heshiiskasi isagona  hantidhowraha Qaranka iyo xeer ilaalinta  faray in baaris rasmi ah lagu sameeyo heshiiska shidaal ee uu saxiixay Wasiirka Wasaaradda Batroolka XFS.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment