Taxane: Qisada Ahmed iyo Nasiib Qaybtii 6aad

Wednesday November 04, 2009 - 10:04:41
0 Comments
4861
Super Admin
Waa qaybtii Lixaad oo aan idinka kaga soo gudbinayno Buuga Ahmed iyo Nasiib oo aad nooga barateen Maalin kasta oo Talaado ah. Hadaba Hawaase wacan.


Dood iyo maslaxeyn kadib Axmed wuxuu aaday gurigooda asaga oo ka xanaaqsan arrintii , markuu yimidna wuxuu  ku dhacay sariirtiisa, Yaasmiin  Bahjo iyo Maxamedna waxay sasabaad iyo qancin ugu dhaqaaqeen Nasiib waxayna u sheegeen in ay Axmed la hadleen kana qanciyeen wixii dhacay galabta, kadibna waxay u kaxeeyeen gurigeedii, waxay Nasiib u qaadan weysay sida fudud ee uu uga tagay.

 

Axmed  kadibna markii waagu baryay Nasiib waxay soo aaday gurigii Axmed aroortii, waxay garaacday albaabka  waxaana kafuray Ayaan oo aheyd Axmed walaashiis, waxayna usoo kicisay Axmed, mar kuu arkay Nasiib waa  uu u qaadan waayay waayo waxuu layaabay saacada ay socoto

 

Waxuuna kuyiri “Nasiib sooma fiicnid abaayo ma wax dhibaa ayaa jira waa maxay saacada aad socoto”, Nasiib baa ugu jawaabtay “iga raalinaqo waan kaa ahaan waayay xaloo dhanna waan soo jeeday sidaan kaaga fakaraayay, waxaana kaa codsanayaa in aad is ka kay cafiso”, Axmed ayaa lasoo booday “waan ku cafiyay ee soogal macaaney gudaha marka hore” kadibna waxay ugu jawaabtay “Markale iga raalinaqo macaane. waxaan ku noqonayaa gurigaygii muhiimadaydu waxay ahayd in aad icafisid”.

 

 Maalin taa waxii kadanbeeyay Axmed iyo Nasiib waxaa u furmay Il kamid ah Ilaha jaceelka waxayna noqdeen hal qof, kulamadooduna waxay kusoo noqdeen sidoodii hore, waxayna ku kulmi jireen guriga Nasiib ama guriga Bahjo.

 

Maalin maalmaha kamid ah ayaa waxaa dhacday in ay Yaasmiin wacdo Axmed  kadibna ay usheegto in ay Nasiib xanuunsan tahay ayna jiifto xaafadooda, Axmed asagoon waalnayn fiyoobina katagay buu kasoo orday gurigiisii waxuuna soo gaaray gurigii, albaabkana waxaa kafurtay Yaasmiin, kadibna waxuu usii gudbay gudaha waxuuna arkay Nasiib oo jiifta sariirta wuuna ku soobooday, waxuuna yiri

 

“abaayo macaan side ayaad tahay, halkee lagaahayaa”, Nasiib ayaa tiri “waan fiicanahay hada, waxaa la iga qabtay kilida” Axmed baa yiri  “goormaa lagaa qabtay mase tagtay  dhaqtar” Nasiib baa ku jawaabtay “haa waa la iga qabanjiray xalay markaan kaa sootagay bay igu soo kacday dhaqtarkuna waxuu hada kahor iyiraahday dhagax baa kaaga jira”.

 

Axmed Ilin ayaa soo dhaaftay waxuuna kanaxay xaalada ay ku sugantahay gacalisadiisa oo uusan waxba kaqaban karin waayo Axmed waxuu ahaa wiil arday ah oo aan shaqaysan oo kuna nool gurigooda, Nasiib baa tiri

 

“ha ooyin gacaliye”, Axmed ayaa waydiiyay waxa uu dhakhtarka ku yiri, Nasiib ayaa ugu jawaabtay “Aboowe markii hore waxuu ii soo qoray daawo, waana dhamaystay  balse hada waan fiicanahay, waana fiicnaandoonaa haduu alle idmo ee waxba ha is murjin waxaan u baahanahay  nasniino”.

 

Axmed ayaa yiri  “goormaad nasanaysaa mar walba waad socotaaye midda kale is ka daa kabahaan dhaadheer oo aad xiranayso”, “waayahay gacaliye” ayay nasiibna ugu jawaabtay, kadibna, Yaasmiin ayaa soo booday oo tiri Axmed “qoftaan ilaa xalay waxba ma cunin qof aan waxba cunahayn maxuu ku noolaanayaa”, Axmed ayaa yiri “maxaa dhacay oo aad wax u cuni wayday”, Nasiib ayaa ugu jawaabtay “iga raalinaqo gacaliye, maxaan wax cunaa nabarbaa I hayay, balse hadda markaan ku arkay ayuu iga fuqay”.

 

Axmed ayaa lasoo booday “maxaad cunaysaa gacaliso oo hada aan kuu keenaa” Nasiib ayaa tiri “Waxa allaale iyo waxaad ii keento Ayaan cunayaa gacaliye” Axmed ayaa ku yiri  “anaa waxaad cunto hadda kuu keenaya macaaneey”.

 

Kadibna Axmed waa uu soo baxay waxuuna soo aaday gurigooda, xagiisa runtii Axmed jeebkiisa kuma jirin shilin lacaga asagoo dhakafaarsan buu guriga ugu yimid walaashii Ayaan  waxuuna usheegay sida ay arrini tahay, Ayaana waxay soo siisay  1000 shilin oo kenyaan ah kadib asaguna waxuu soo aaday guriga Nasiib asagoo wada cunto. Laso qaybta 7aad

 

 

Halkaan ka akhriso:

Q.1aadQ.2aad . Q.3aad. Q.4aad. Q.5aad.


 

Related Items


Leave a comment