Jaaliyada Somaliyeed ee London oo ka baroora diiqday qaraxii Hotel Shamow

Tuesday December 08, 2009 - 08:37:21
0 Comments
3723
Super Admin
Jaaliyada Soomaaliyeed ee degan magaalada London oo xalayta si weyn uga hor yimid qaraxii Hotel Shamow ee lagu xasuuqay birimagaydo

Baroordiiq loo sameeyay Masuuliyiintii, Barayaashii, Taqaatiirtii, Ardaydii qalanjabinaysay, waalidiintii iyo dadkii xaflada lagu martiqaaday ee Soomaaliyeed ayaa lagu qabtey xaafada Hollaway oo ku taal Waqooyiga magaalada London, ayna soo qabanqaabiyeen C/raxmaan Gentelman, Xildhibaan Tarsan , Proff Guure iyo aqyaar kale ayaa waxaa ka soo qayb galay dad aad u tiro badnaa oo ka kale yimid qaybaha ay ka kooban tahay magaalada London oo dhan, iyadoo Hallkii lagu qabanayay baroordiiq u qaadi waayay dadkii Soomaaliyeed ee sida weyn uga gilgishay qaraxadii foosha xumaa ee lala beegtay dadkii ka soo qayb galay xafladii qalin jabinta ahayd ee lagu qabtey magaalada Muqdisho Qamiistii la soo dhaafay ayna ku nafwaayeen dad ka badan Dhowr iyo labaatan qof ayna ku dhaawacmeen dad ka badan 60 qofood, kuwaasoo ahaa dhaqaatiir, macalimiin jaamacadeed arday dhamaysatay waxbarashada caafimaadka ee shahaadada Degree, mas'uuliyiin ka tirsan dowladda ku meelgaarka ah iyo qaar ka mid ah dadkii ka soo qaybgalay xafladii qaraxa lala eegtay.

Dadka ka soo qayb galay ayaa wajiyadooda ka muuqatey dhamaantood tiiraanyada iyo carada ay ka qaadeen dhibaatada ka dhacday Hotel Shaamoow islamarkaana si weyn uga gilgishay dhibaatada ay ka wadaan dalka Soomaaliya kooxaha wax dila, qarxiya, umadda qalqalgaliya ee arxanka daran ee hadana diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaaliya ka been sheegaya sida ALSHABAAB & XISLBUL ISLAAM, kuwasoo dadka ku dila gardaro  iyo naxariis daro iyagoo ka been sheegaya Diinta Islaamka islamarkaana shaar qabiil oo diinta la huwiyay si loogu gaaro mansab siyaasadeed.

Waxaa xaflada ka hadlay aqyaar farabadan oo aan halkaan magacyadooda ku soo wada koobi karin oo isugu jirey rag iyo dumar, ugu horeyntiina waxaa meesha ka hadlay C/raxmaan Mohemd Sicid Ciyow ‘’Gentelman’’ oo ka warbixiyay ujeedada maanta dhamaanteen aan iskugu wada nimid islamarkaana baroordiiqda xiriirinaayay, kadibna waxaa hadalo koo kooban ka jeediyay baroordiiq dadkii ku geeriyooday qaraxa Shamoow masuuliyiintii  Dowlada iyo Barayaashii taqaatiirta ahaa eheladooda, kuwaasoo ka warbixiyay tariikhdoodii kana mahadceliyay sida umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan uga dhidhiyeen falkii arxan darada ahaa ee loogu fuliyay dadkii u istaagay umaddatan inay wax u qabtaan.

Masuuliyiintii meesha ka hadashay waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Mohamed Nur Tarsan oo ka mid ahaa dadkii soo agaasimay baroordiiqdatan qiimaha badan ayaa sheegay inay muhiim tahay in dalka Soomaaliya laga daafaco kuwa laynaya dadka qiimaha badan islamarkaana qalbiga xun ee garan waayay inaysan falin waxyaabahan oo kale, aniga waxay ila tahay inaan Dowlad iyo shaqsiyaad lagu soo duulin ee lagu soo duulay dadka iyo dalka Soomaaliya, islamarkaana ay waajib tahay in aynu samayno Foundation lagu garab istaagayo Jaamacada magaalada Muqdisho iyo dadkii dhibaatada ka soo gaartey qaraxaas foosha xun, waxaan la yaabanahay ninkii qaraxa inuu fuliyo loo soo direy ee raadinayay inuu masuuliyiinta Qaranka ee goobta joogay inuu dilo, markuu arkay quruxda ardayda qalin jabinaysay iyo farxada goobta ka muuqato inuusan isbadalin qalbigiisana u dhagax ahaa ayaa soo baxday Ilaahayna waxaa u soo saarey foolxumadiisa calooshiisa ayuu banaanka keenay islamarkaana wajigiisa ayaa la facshiriyay ayuu yiri mudane Tarsan oo ay ka muuqatey  carada iyo murugadii dhacday.

Mudane C/qadir Xaaji Masale oo halkaasi ka hadlay ayaa tacsi u direy eheladii dadkii ku waxyeeloobay qaraxa hotel Shamow kana waramay in qaraxyadaan oo kale ay ka dhaceen magaalooyin kale duwan oo dalka Soomaaliya ka tirsan sida Hargaysa, Boosaaso, Gaalkacyo, Hiiraan, Baydhabo iyo magaalada Muqdisho oo u sheegay inuu marar kale duwan ka dhacay laakinse Qaraxa Hotel Shamow uu ahaa kii ugu foosha xumaa, marka waxay ila tahay in maanta aynu ku jirno 20 sanadood oo dowlad la’aan ah ay noogu buuxsamayso December , waxay ila tahay in Soomaali tashataa oo miiska aynu soo saarnaa Soomaaliya kana hadalnaa sidii loo samatabixin lahaa, aqoonyahanka iyo indheergaradku waa inay isku yimadaan dadka iyo dalkana badbaadiyaan, waxa dhacay dadka way dareensan yihiin wayna na wada taabatey ee gobalada dalka dhan hala hadlo dadka hala gaarsiiyo in waxaan oo kale lla fiirsan lagana hor yimaadaa lana daafaco dalka iyo dadka ayuu yiri mudane C/qaadir Xaaji Masale.

Waxaa isna meesha ka hadlay Mudane C/fatax Shaaweey islamarkaana ka warbixiyay sida ay u taabatey qaraxyadan ka socda dalka Soomaaliya qoys ahaan, aniga qofna ka baqan maayo qaraxyadan cida leh waa la yaqaan waa Alshabaab iyo Alqaacida ayuu si geesimo ah u yiri, marka fulaynimada hala iska daayo dadkii iyo dalkii aanu ka difaacno kuwa shisheyaha soo dirsaday ee diinta ku qaraabanaya ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay mudane Shaweey oo booqasho ku jooga magaalada London.

Dadkii kale ee ka hadlay waxaa ka mid ahaa mudane Xuseen Caydiid oo ka tacsiyeeyay qaraxii ka dhacay hotel Shamow islamarkaana ka warbixiyay qaraxyadii loo gaysan jirey Dowladii hore ee ka midka ahaan jirey.

Waxaa kale meesha qubado qiimo badan ka jeediyay haween Soomaaliyeed oo aad uga qiiraysnaa dhibaatada ka dhacday Hotel Shamow, inkastoo ay badnaayeen waxaa ka xusi karaa Marwo Maryan Hagi Elmi iyo Marwo Fowsiyo HAGI Aden, kuwasoo sheegay in loo baahan yahay in dadka iyo dalka laga badbaadiyo kooxaha dowlad diidka ah ee diinta Islaamka ku qarabanaya sidii ay MANSAB ugu gaari lahaayeen.

Waxaa ka hadlay dad aan u farabadan sida ka muuqato sawirada laga soo qaaday baroordiiqda waxaana ka xusi karaa , Danjire Caalin, General Yusuf Axmed Qeyr,Claahi Xaaji, Yusuf Garaad,, Hasan Kaafi,Naado Adan Shahiid, Xersi Hagi Jama,Ahmed Omar, Gen Caaro, Ali Shiino, Gabayre,Yusuf Yusuf iyo dad kale oo qiima badnaa oo aanan helin magacyadooda, kuwaasoo dhamaantood ka tacsiyeeyay masiibada ka socota dalka Soomaaliya iyo dhacdadii Hotel Shamoow, run ahaantiina waxaa meesha iga muuqatey in Soomaalida ku dhaqan magaalada London inaysan u kale harin islamarkaana cambaareyn dusha looga tuurey kooxaha qaswadayaasha ee dowladdiidka ah ee diinta Islaamka ka been sheegaya ee hadana laynaya dadka birimagaydada ah

Dhacdadii Hotel Shamow ayaa moodaa in dadka Soomaaliyeed mar kale soo baraarujiysay islamarkaana waxaa lagu balamay in gacan bir ah la isaga qabto kooxaha wax dila iyo sidii Qaranimada iyo madax banaanida dalka Soomaaliya looga difaaci lahaa kuwa ku soo duulay ee diinta beenta ah ku xasuuqaya dadka waxtarka ah.

Baroordiiqda ayaa loogu duceeyay dadkii dhintey iyo kuwii ku dhawacmayba qaraxa, dadka meesha isugu yimidna waxaa ka muuqanaysay shucuur Soomaalinimo iyo sida ay uga xun yihiin falalka noocaas oo kale ee ka socda dalka Soomaaliya, waxaana lagu balamay in dadka la abaabulo gacan bir ah la isaga qabtaa tuugta ku qaraabanaysa diinta Islaamka.

Waxaa xusid mudan waxaa qadka Telefoonka barooqdiiqda kaga soo qayb galay Madaxwaynaha dalka Soomaaliya Madaxwayne Sheekh Shariif kagana tacsiyeeyay eheladii iyo dadkii Soomaaliyeed dhacdadii ka dhacday Hotel Shamow islamarkaana dadka Soomaaliyeed ugu baaqay sidii ay uga daafacan lahaayeen kuwa ku soo duulay inay dalkooda ka baabiyaan maskaxda iyo jiritaanka umadda laynta dadka waxtarka ah.

Baroordiiqda dadka isugu yimid ayaa hadalada afkooda ka soo baxayay aan kale soo dhax baxay ninkii Marxuum Ibraahim Cadow iyo dadkii kale ee qiimaha lahaa dilay iyo kuwa kale ee ku taageersan inaysan Diinta Islaamka waxbo ka aqoonin, waxay wadaan Alshabaab iyo Xisbul Islaam ay yihiin xaraan iyo baqti islamarkaana ay haboon tahay in dadka iyo dalkaba laga qabto.  


W/D: Yusuf Yusuf

mrsomalia@hotmail.com

London, UK

Related Items


Leave a comment