Wararkii ugu dambeeyay ee weerarkii lagu qaaday Hotel Afrik

Monday February 01, 2021 - 00:07:02
0 Comments
512
Nasteeh Bare
Waxaa hada la soo afjaray weerar iyo qaraxyo ka dhacaya gudaha Hotel Afrik ee magaalada Muqdisho kadib markii ay galeen dabley hubeysan.

Ciidamada ammaanka ayaa soo badbaaday dad badan oo ay ku jiraan saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlada federalka iyo dowlad goboleedyada kale ee dalka.

Saraakiisha ciidan ee ku jirey gudaha hotelka isla markaana iyagoo bed qaba laga soo saaray ayaa waxaa ka mid ah Generaal Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade, Labo Afle iyo Xuseen Goley oo ah Milkilaha hoteelka.

Ururka Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka weli ka socda gudaha Hotel Afrik kaas oo sababay dhimasho & dhaawac

Related Items


Leave a comment