NAIROBI, CIYAARO-xulka somalia ayaa galabtay xulka k/cagta ee jabouti 1-0 kaga adkaaday ciyaar ka tirsaneyd isreebreebka tartanka Chan CAF taasoo ka dhacday dalka Jabouti.
Tartankaan oo loogu talagalay iney ciyaaraan ciyaartoyda aan professional-ka aheyn ee ka ciyaarta horyaalada dalalkooda gudahiisa ayaa Somalia kulankii ugu horeeyay waxety ka soo hoysay guul wax ku ool ah.
Qeybtii dabe ee ciyaarta ayeey Somalia goal-ka guusha dhalisay kaasoo noqay kan kaliyaha ee ciyaarta ka dhashay, xidiga number 2-aad ee difaaca kaga ciyaara ayaa goal u dhaliya Somalia, sida uu www.xaarxaar.com qadka telefonka ugu sheegay Abdulahi Aabow oo wafdiga xulka hogaaminaya .
Somalia ayaa waxey ciyaarta 2-aad ee isreenreenka tartankaan la ciyaari doontaa xulka Tanzania oo ay ku wada ciyaari doonaan magaalada Dares lama ee xarunta dalkaasi.
Xusseen C/qaadir
Leave a comment