Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun‘’ We Will Miss Saleban Olad

Saturday February 13, 2010 - 07:43:39
0 Comments
2481
Super Admin
Allah samir ha aga wada siiyo dhamaanteen geeridii Walaalkeen saaxiibkeen halyeey Wasiir Marxuum Saleebaan Colaad Rooble, waxa u ahaa halyeey qaali ku ah agteena wadani geesi, codkar daacad Soomaalinimo ku jirto una istaagay inuu Isboortiga Soomaaliyeed wax ka qabto, isagoo gudanaya waajibka dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisa ayuu geeriyooday, dhimashadu xaq weeye, waxaan Allah uga baryaynaa inuu marxuumka ka waraabiyo naxariistii Janada, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo dhamaanteen allaha naga wada siiyo samir iyo Iimaan.

INNAA LILAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUNQaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee Muqdisho ka dhacay 3-dii December 2009 ayaa wuxuu ahaa mid uur-ku-taallo iyo xanuun ku reebay shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna qaraxaas oo uu fuliyay qof ismiidaamiyay uu ahaa mid lala eegtay dad biri-ma-geydo ah

Marxuum Saleebaan Colaad Rooble waxaa uu ku dhaawacmay qaraxii 3 December 2009 ee ka dhacay Hotel Shamow, run ahaantii dhacdadaas shacabka Soomaaliyeed waxa uu ku reebay uur ku taalo iyo xanuun weyn, umadda Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogtaba way diideen dhacdadaas foosha xumayd, kuwii fuliyay iyo kuwii ka dambeeyay waxay ila tahay inay Aaqiro Allah hortiis la hortagi doonaan waxay faleen oo axmaqnimo ahaa, naartana meesha ugu xun ka cabi doonaan insha Allah.

Waxaa magaalada London Soomaalida degan qaasatan bahda Isboortiga u ahayd maalin murugo iyo uur ku taalo kadib markii galabta ay soo yeertay inuu ku geeriyooday magaalada Riyaad Isbitaal ku yaal oo marxuumka lagu dhabiibayay tan markii dalka Soomaaliya laga soo duuliyay mudo laga joogo 3 bilood ku dhawaad, dadka Soomaaliyeed ee aan arkay galabta ilaa caawa iyo kuwo telefonada igula soo xiriiray ayaa dhamaantood ka wada muuqatey qiiro iyo sida ay uga xun yihiin warka soo yeeray maanta, dhamaantoodna waxay isaga marqaati kacayeen inuu marxuumka Wasiir Saleebaan Colaad Rooble uu ahaa halyeey geesi ah wadani ah ayna dadka dhan wada jecel yihiin, islamarkaana lagu xusuusan doono mudadii yarayd ee xilka Wasaarada Isboortiga iyo dhalinyarada dalka Soomaaliya hayay wuxuu qabtey ee uu kaga tagay qabyada, run ahaantiina dhameenteen waxaan ka muujinay rajo xumo iyo dabeel nooga soo dustey halkii halyeey Saleebaan Colaad Rooble ka baxay.

Geeridu xaq weeye Allah abuurtey xagiisa ayuu u jihaystey marxuumka Saleebaan Colaad Rooble ee naxariistii janada Allaha ka waraabiyo Aamiin Aamiin

Tacsida si wadajir ah waxaa halkaan uga diraya dhamaan bahda Isboortiga Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan iyo gaar ahaan reer London sida

·         Odayaasha Isboortiga magaalada London

Danjire Caalin, C/qaadir Isoomareey, Ahmed Shell, Dr.C/raxmaan Cunaaye, Muriidi Zein, Abdulqadir Caddaay, Ahmed Salah iyo Kabtan Shaash

·         Bahda Barnaamijka  Cayaaraha ee Universal TV

             C/qaadir Mohamed Farah ‘’Biriq’’ iyo C/naasir Isma’il ‘’Sola’’

·         Bahda Somali Week London

Xuseen Aden ‘’Deeq’’. Mohamed Khaliif, Yassiin Diinoow, Mohamed Buuwe, Islow, Cilmi Waabari, Hussein Ciiro, C/salaam, Mohamed Ali, C/qaadir Mohamed, Shiine iyo Cabdi Ahmed.

·         Kasmonewspepper

C/qaadir Shire iyo Khalid Macow

·         Seria A Somalia

Mohamed Ismail ‘’Siteey’’ Siciid Ceyrow, Muriidi Abanur, C/nur Roble. Bile Madbacadda, Dahir Gacamay, Xasan Dhudhi, Mire, Baaba Jay, Biyoolay, Seef. Hassanataroos/

·         Reer Liecester Omar Dheere, Cilmi Daqare, Daa’uud, Shiine

·         Bahda Basketballka

Macalin John, Shiine, Garsoore Mohamed, Bakiin    Maaxi Duran Farah (GOS).

Waxaa kale oo tacsidan si gooni ah ugu diraya reer Saleebaan Colaad Rooble iyo dhamaan reer Colaad Rooble dadka kale ah

 

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyaynta Mudane Mohamed Abdi Yusuf iyo qoyska oo dhan, Faysal Siciid, C/risaaq Cagamadow, Bidhaan Cagamadow, Mohamed Ali Bilaal, iyo anigoo ah Yusuf Mohamed Abdi Yusuf  I will miss Saleban Olad …….. I always greatly admired his leadership.

 FG: Dhamaan jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan UK waxaan ogaysiinayaa inaan wadno qabanqaabo weyn oo loogu samaynaayo saaxiibkeen walaalkeen Marxuumka Saleebaan Colaad Rooble baroordiiq Qaran oo looga hadlaayo waxqabadkiisii islamarkaana loogu ducaynaayo marxuumka Insha Allah, wixii ku saabsan arinkaas igala soo xiriira

 

W/D: Yusuf Mohamed Abdi Yusuf

mrsomalia@hotmail.com

London

Related Items


Leave a comment