R/wasaaraha XFS Oo Daah furay Tartanka Ciyaaraha Gobolada Dalka

Friday December 29, 2023 - 18:37:02
0 Comments
54
ahmed raajaa
MUQDISHO
Ra’iisul wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre oo ay weheliyaan Duqa Muqdisho iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa si rasmi ah u daah furay Tartanka kubadda Cagta dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo galabta lagu furay xulalka Galmudug iyo Hirshabeelle.

Kumanaan dadweyne oo kala taageeraya labada xul kuwaas oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin dowladda ka tirsan ayaa buux dhaafiyey Garoonka Muqdisho Stadium oo ay ciyaartu ka dhaceyso.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment