Van Gaal : maa aamusin karaa turjubaan Mourinho ciyaarta Finalka Bayer Vs Inter?.

Friday May 07, 2010 - 17:26:56
0 Comments
3018
Super Admin
Wixii ka horeeyay arbacadii koobka Champions League ciyaarihii semi-finalka dadka oo dhan waxay dhahayeen Jose Mourinho sanadkaan waxa uu kooxda Inter Milan u horseedi doono European Glory, madaama sida lagu yaqaano ‘’psyhchological battle’’ uu la dheelo kooxaha ka soo horjeeda oo dhami si uuga badiyo, laakinse waqtigaan way ka duwanayd waxa uu cadaw la ahaa ma ahayn hal Manager ( Joseph Gardiola) ama hal koox( Barcelona)balse waxa uu cadaw u noqday dhamaan bulshada ku abtirsata gobalka Catalonia.

Mourinho waxa u waqti badan ku soo qaatey garoonka Nou Camp ee Kooxda Barcelona, ugu horeyntii waxa uu horey ula soo shaqeeyay turjubaanimo Coach Bobby Robson kadib  Coach Luis Van Gaal, hasayeeshee jaraaidka Catalan waxay  weli  ugu yeraan Turjubaankii ‘’The Translator’’, laakinse Mourinho si aad ah ayuu u fahansan yahay waxa ay ula jeedaan dadka Catalans Barcelona inaysan ahayn micnaha koox kaliya balse tahay  Dowlad ‘’State’’ doonaya inay madax banaani ka qataan dalka Spain.

 

Sababtoo ah dadka Catalonia jacaylka badankooda u qabaan kooxda Barcelona waxay ka dhigan tahay jacayl u qabaan dhulkooda Catalonia, taasoo ah astaan ay kaga duwan yihiin kooxaha kale ee ka dhisan dalka Spain, sida u qirey ‘’ President Joan Laporta speaks  of Barca  as being representative of the values of citizenship, sport and democracy’’.

 

Mourinho oo ka war haya xagjirnimada Barcelona taageerayaashooda iyo nacaybka weyn ee u dhaxeeya kooxaha Barcalona iyo Real Madrid ayuu hadane yiri  erayadaan si uuga xanaajiyo kooxda Barcelona  ‘’sida  uraadinayaan oo ay ugu ooman yihiin kooxda Barcelona iyo taageerayaashooda inay ugu guulaystaan koobka Champions League gudaha garoonka  Bernabeu oo ku yaal magaalada Madrid hadane ah garoonka kooxda Real Madrid, halkaasoo lagu qaban doono ciyaarta Finalka koobka CL,  in calanka Catalans la dhax keeno gudaha garoonka Bernabeu,  taasi waa waali iyo waxaysan aqbali Karin reer Madrid, ‘’Anti – Madridismo’’ ayuu ku micneeyay mar uu la hadlayayay jaraaidka ciyaartii kooxdiisa ugu soo baxday ciyaarta finalka CL, islamarkaana uu sheegay inuu doonaya inuu macalin mar u noqdo kooxda Real Madrid.

 

Kooxda Inter ‘’ Nerazzuri’’ waa koox Talyaani ah laakinse wax talyaani ah ma ciyaarsiiyo Mourinho mararka uu dheelayo ciyaaro  adag, laakinse waxaa kooxdiisa halboowlayaal u ah Argentine, Brazilian iyo Dutch, kuwasoo  kooxda u daafaca sidii Nerazzuri-hii  lixden meeyadii.

Van Gaal & Mourinho oo ka mid macalimiinta faro ku tiriska ah ee 3 dal oo Yurub ah horyaalkooda qaaday ayaa la filayaa inay ciyaarta finalka ay isaga hor yimadaan finalka CL, hasayeeshee dadka wax ka qora arimaha Isboortiga ee hadane yaqaana taariikhda labada macalin ayaa saadaalinayaa in hadii Mourinho jirto cid joojin karta islamarkaana afkiisa xiri karto uu yahay master Van Gaal oo ahaan jirey  macalinkiisii hore ‘’old mentor’’ sababtoo ah wax badan ayuu ka soo bartey xiligii uu u ahaa gacanyaraha Barcelona, islamarkaana shaqada u qaabilsanaa waxay ahayd mid aad u hoosaysa  ‘’a lowly work’’ oo ah turjubaanimo ‘’translator’’  qorida magacyada ciyaartooyda iyo jadwalkooda laakinse wixii ku saabsanaa tababarida masterplan waxaa qabsan jirey Van Gaal.

 

‘’Van Gaal can finally silence translator Jose’’ waxaa  isna qaba fikirkaas mid ka mid ah qorayaasha Isboortiga dalka Ingiriiska magaciisana la yiraahdo Jason Cowley.

Waxaan faaladan looga hadlay jaraa’idyo kale duwan oo ka hadla Isboortiga caalamka ku soo gunaanadayaa maahmaah Soomaaliyeed oo oranaysa ‘’fardo isla jooga maxaa la isaga faanin’’

 


W/d: Yusuf Yusuf

Sports editor of SSPAMEDIA

mrsomalia@hotmail.com

London

Related Items


Leave a comment