Goormuu Bilowday Dagaalka Iyo Xasuuqa Ay Saliibiyiintu Ku Wadaan Muslimiinta?

Monday May 24, 2010 - 21:18:34
0 Comments
6206
Super Admin
laahay subxaanahu watacaalaa ayaa amaan,hufnaan,mahad iyo kheyr aan la koobi karin mudan marwalba.Nabad iyo Naxariis ilaahay ha yeelo Nabi Muxammad korkiisa isaga iyo eheladiisa,asxaabta suubanaha ilaahay ha raali noqdo dhammaantood rag iyo dumarba.

Sida ay Taariikhda islaamku qorayso,waxay Saliibiyiintu(Kirishtaanku)islaamka weerarkii ogu horeeyay ee taarikhiyan la qoray ay soo qaadeen dabayaaqadii qarnigii 11aad ee taariikhda miilaadiga,waxay ku shireen wadanka Faransiiska,halkaas oo ay dhiirigalin iyo sahay iyo saanadba ka heleen Baadariyaashii joogay goobta loogu tashaday sidii loo weerari lahaa muslimiinta,gaar ahaan Dhulka Barakaysan ee Nabiyada:FALASTIIN IYO BAYTUL QUDUS.


Saliibiyiintu waxay soo qaadeen weerar gaadmo ah oo aysan muslimiintu ogayn,taasna waxay u fududaysay inay Dhulka soo galaan iyadoo aan tabaabushaysi iyo kutalagal dagaal kajirin Falastiin iyo agagaarkeeda.Markay soo gaareen salabiyiintu daafaha Qudus,waxay qaadeen weerar gaadmo ah oo halmar si lamafilaan ah loo weeraray wixii ay arkeen ee ku sugnaa goobihii ay tageen.Waxay u laayeen dadkii degaanka si aan taariikhda horay loo arag,waxaana dhacay xasuuq,gumaad,barakac iyo iyadoo aanan la kala soocin dumar,ilmo,waayeel,xataa waxay laayeen oo gumaadkii ku dareen kirishtaankii reer Qudus ee waligood deganaa dhulka Falastiin.Markay la wareegeen talada iyo maamulka Dhulka Barkaysan iyo Qudus,waxay xireen Masaajidka Barakaysan ee Muqadaska ah Baytul QUDUS/MASJIDUL AQSAA,Wuxuuna xirnaa 200 oo sano oo anan salaad lagu tukan.
 
Labo boqol oo sano kadib,waxaa ilaahay u soo diray muslimiinta Geesigii caanka aahaa ee ilaahay ku halaagay gacantiisa Saliibiyiintii Qooqa iyo kibirka badnaa SAALAXUDDIIN AL-AYUUBI oo ka dhashay walaalaheen Kurdiyiinta maantay loo yaqaan inay yihiin dad aan dhul iyo dawlad caalamka ku lahayn.Masjidkii iyo Dhulkii Falastiin ee Saalaxuddiin ka xoreeyay Saliibiyiinta,maantay waxaa maamula Sahyuuniyiin kayimid Yurub iyo Maraykan 1947 oo sheeganaya inay iyagu leeyihiin,laakiin waxaan sugaynaa inta Salaaxuddiin kale ilaahay soo  saarayo si uu ogu xoreeyo Yuhuuda qooqday ee gumaadka iyo xasuuqa arxandarada ah ku wada walaalaheen reer Falastiin habayn iyo maalin.
 
Markii 2aad ee Saliibiyiintu soo weerareen muslimiinta,waxay ahayd 1492 miilaadiga,waana markii ay rideen Boqortooyadii iyo Khilaafadii islaamka ee ka talinaysay ANDALUS(SPAIN&PORTUGAL),Maalintaas halgankii bilowday ayaa socda maantay oo ilaahay aan ka sugaynaa inuu miro lagu nasto dhalo mustaqbalka dhow ilaahay idanki.
 
1884 Shirkii Baarliin(BERLIN_GERMANY)wuxuu ahaa qayb kamid ah Nidaamka saliibiyiintu ku qaybsadeen dhulka qaarada Afrika oo markaas badankood muslimiin ahaa,taasna waxay keentay Dagaalada,qalalaasaha,gumaadka iyo rabshada aan kala joogsiga lahayn ee marwalba ka taagan Qaarada Afrika.
 
11september2001,qaraxyadii iyo Daarihii mataanaha ahaa ee magaalada Newyork,waxaa ku xigay khudbadii dheerayd ee uu madaxweynihii xilligaas  ee maraykanka Georg W Bush kajeediyay Washington,halkaas oo ay goobjoog ahaayeen inta talada iyo maamulka maraykanka hogaamisa.Bush wuxuu caddeeyay inuu qaadayo dagaal iyo weerar ah labo safl,cid Maraykanka la jirta oo hiil iyo hoo la garabtaagan iyo qolo cadow ah oo ah cidda weerarka iyo dagaalku ku wajahanyahay.TAASNA WAXAY AHAYD DAGAALKII SALIIBIYIINTA BILOWGIISII XILLIGAAN AAN MARKHAATIGA KA NAHAY ILAAHAYNA WAXAAN KA SUGAYNAA INAAN GOOBJOOG KA AHAANO HALAAGA IYO DABARGOYNTA SALIIBIYIINTA IYO SAHYUUNIYADA CAALAMKA GUMAADKA IYO XASUUQA ARXANDARADA AH KA WADA,aamiin,aamiin,aamiin.
 
 


XASBUNALAAHU WANICMAL WAKIIL 
WABILAAHI TOWFIIQ
C/RAXMAAN IDIRIS
STOCKHOLM

Related Items


Leave a comment