BUQ DHARKEYN
Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidamada Xoogagga SSC Khaatumo iyo Millateriga Somaliland, waxaana lagu soo warramayaa in khasaare uu soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.
Dagaalka oo wali ka socda galbeedka Gobolka Sool, ayaa waxaa lagu waramayaa in Ciidanka Khaatumo ay la wareegeen degaannadii lagu dagaalamay, ayna si buuxda ay gacanta ugu dhigeen degaan lagu magacaabo Buqdharkeyn, oo maalmahaan aagiisa la isku hor-fadhiyay.
Muuqaallo iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya baaxadda dagaalka iyo khasaaraha xooggan ee soo kala gaaray labada dhinac, iyadoo lasoo bandhigay Meydad iyo Askar, waxaana wali socda dagaalka u dhexeeya Khaatumo iyo Somaliland.
Meeraysane.com
Leave a comment