Barack Obama oo Taagerey Masjidka Lagu Wado In Laga Dhiso New York

Saturday August 14, 2010 - 22:53:06
0 Comments
3222
Super Admin
Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa maalinti jimcada shaaciyey inuu taageersan yahay Masjid laga dhisayo meel udhaw daartii world Trade Center ee kutaalay magaalada New york oo la qarxiyay 11-kii septemper.

Madaxweyne Obama ayaa yiri, “Anigoo si daacad idin kula hadlaya, ah Muwaadin Maraykan ah isla markaana ah Madaxweyne waxaan qabaa in muslimiinta xaq uleeyihiin iney ku dhaqmaan diintooda si lamid ah sida dadka diimaha kale haysta ee kunool wadankan Mareykanka”, Waxey xaq uleeyihiin in ey dhistaan masjid ey Rabbi ku caabudaan iyo xarun ey ku kulmaan mujtamacooda, iyagoo raacaya sharciyada iyo nidaamka uyaala dalka.

Masajidka laga dhisayo Ground Zero ayaa dhaliyay dood kulul, waxaa jira siyaasiyiin caan ah oo ey kamid tahay Sarah Palin iyo dad badan oo qaraabo kulaahaa dadkii wax ku yeeloobay dhacdadii 11-kii Septemper oo si kulul ugasoo horjeeda qorshaha Masjidkaan.

Mudane obama ayaa markii ugu horeysay difaacay qorshahan, isagoo ku cadeeyay fikirkiisa arrintaan ku aadan munaasabad xaflad casho sharaf iyo anfur isugu jirta oo u shalay ugu sameeyay madax ka kala socota dunida muslimiinta qalka cad ee mareykanka. Munasabadan lagu soo dhoweynayo bisha barakeysan ee ramadan ayuu madaxweyne Obama qabtay kolkii labaad, isagoo ugu hambalyenaya muslimiinta ramadan kariim.

Related Items


Leave a comment