Marwo Xaawo Taako oo dalka Soomaaliya u mataleysa Shirka FIBA 1st WOMEN’S BASKETBAL CONFERENCE 2010

Saturday October 02, 2010 - 05:21:28
0 Comments
2813
Super Admin
Waxaa si rasmi ah ugu furmi doonaa maalinimada Sabtida iyo Axada fooda nagu soo haysa,taariikhduna tahey 2/3 Oktobar 2010 magaalada Karlovy Vary ee dalka Czech Republic Shirka FIBA 1st Women’s Basketbal CONFERENCE

Dalka Soomaaliya waxaa uga qayb galaya Marwo Taako oo ka mid ahaan jirtey barisamaadkii ciyaartooydii Kubadda koleyga kooxda Jeenyo (LLPP) ee Wasaarada Howlaha guud iyo Guriyeynta iyo xulkii Qaranka, islamarkaana shirka u mataleysa Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga (XSKK).

Shirkaan waxaa ka soo qayb galaya xiriirada kubadda koleyga Caalamka oo dhan dad matalaya oo lagu martiqaadey islamarkaana waxaa dalka Czech Republic ka socda tartanka FIBA WORLD CHAMPIONSHIP WOMEN 2010, tartankaas oo biloowdey 23 Sept socona doono ilaa 3 Oktobar, iyadoo ay ka qayb galayaan sanadkaan 16 kooxood, ciyaarta finalka waxaa lagu wadaa in lagu dheelo magaalada OSTRAVA.

Marwo Xaawo Taako oo aan qadka telefoonka ku wada hadalney iyadoo ku socoto magaalada Karlovy Vary ayaa isheegtey inay aad ugu faraxsan tahay inay ka qayb gasho shirkaan caalamiga ah islamarkaana qiimo weyn ugu fadhido inay calanka dalka Soomaaliya gaysto meel ay ku kulamayaan Haweenka Isboortiga Aduunka.

Wixii ka soo baxa shirka iyo ka qayb galka ciyaaryahanada Soomaaliyeed shirka ugu horeeyay ee loo qabto Haweenka Kubadda Koleyga Aduunka qormadayda dambe ayaan idin kugu soo gudbin doonaa hadii Allah idmo

W/D: Yusuf Yusuf

SSPAMEDIA

mrsomalia@hotmail.com

London

Related Items


Leave a comment