Ciyaaro saaxiibtinimo oo lagu qabtey magaalada Manchester

Tuesday October 05, 2010 - 21:14:50
0 Comments
2383
Super Admin
Waxaa magaalada Manchester lagu qabtey ciyaaro saaxiibtinimo oo ay ka soo qab galeen kooxo Soomaaliyeed oo ka dhisan magaalooyinka BERMINGHAM, MANCHESTER & LIECESTER.

Koobka waxaa martigaliyay maamulka Kooxda Manchester Sporting Club oo ay maamulaan Mudane Axmed Bishaar Sheegoow iyo Mudane Xuseen Xuska oo labaduba ka soo mid ahaan jirey ciyaartooydii hore ee kooxda kubadda cagta Horseed (Cawo &Maalin).

Ciyaartii koowaad waxay ka dhacdey garoonka Manchester Academy, waxaana isaga hor yimid kooxaha kale ah:

Kooxda Manchester Sporting Club iyo Kooxda XAMAR WEYNE FC ee ka dhisan magaalada Bermingham, ciyaartaasna waxaa guusha ay ku raacdey kooxda Manchester oo 4 goal iyo sufur (0) dusha u saarey kooxda XAMERWEYNE FC, goalashana waxaa u dhaliyay ciyaaryahanada kale ah Maxamed Aaden oo ku magac dheer (Drogba) oo dhaliyay 2 goal, halka ciyaaryahanada kale ah Cusmaan Nuunoow iyo Maahir oo dhaliyeen iyana mid hal goal.

IQRA FC (Liecester) Vs Manchester FC

Ciyaar kale oo aad u xiisa badneyd ayaa ku dhaxmartey magaalada Liecester kooxaha kale ah IQRA FC oo ka dhisan magaalada Liecester iyo kooxda Manchester FC oo ka socotey magaalada Manchester.

Ciyaar aad u xiisa badan oo ay soo bandhigeen labada naadi intii ay socotey ciyaarta ayaa waxaa u suurtagashay kooxda Manchester FC inay 4 goal ka dhaliyaan kooxda IQRA FC, laakinse kooxda IQRA FC iyana waxay iska soo gudeen labo goal, taasoo ciyaarta ka dhigeysa in kooxda Manchester FC ay ugu awood sheegato gurigooda kooxda IQRA FC magaalada Liecester, kooxda Manchester waxaa goalasha u dhaliyay Ciyaaryahanada kale ah Cabdirisaq Musse oo kale dhaliyay 2 goal, halka Maahir iyo Cabdiwahaab ay dhaliyeen hal Goal.

Ciyaarahaan waxay dhaceen 26 Sept iyo 2 Oktoobar labadii asbuuc ee la soo dhaafey.

Mar aan qadka telefoonka kula hadley gudoomiye Sheegoow ayaa ii sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay ciyaaraha saaxiibtinimo ay la dheleen kooxaha Soomaaliyeed ee ka dhisan magaalooyinka London, Bermingham iyo Liecester kooxdooda Manchester Sporting Club, ciyaarahaasna oo dhamina kooxda Manchester waxay ka keeneen guulo wax ku ool ah, magaalada Manchester oo ay degan yihiin Soomaali aad u tiro badan ayaa waxaa ka dhisan labo naadi oo si wanaagsan uga shaqeeya sidii dhalinyarada degan magaalada ay ugu mashquuli lahaayeen ciyaaraha.

Kooxda Manchester Sporting Club kooxdii rabta inay la dheelaan ciyaar saaxiibtinimo waxay kale xiriir karaan gudoomiyahooda Axmed Bishaar Sheegoow.

Kooxda Manchester oo la celin la yahay, kooxihii la dheelayna ka wada dhaliyay arbaca goal (4goals), waxaa xusid mudan in magaalada Manchester ay ku nool yihiin ciyaaryahano badan oo Soomaali ah oo ka tirsan kooxo waaweyn sida Man City iyo Wigan.

Soomaalida ku dhaqan magaalada Manchester markaad tagto waxaa soo xusuusanaynaa inaa joogto faras magaalihii magaalada Muqdisho barisamaadkii, kuwasoo martida isboortiga ee yimaada magaaladooda u soo dhaweeya si Soomaalinimo ah.

W/D: Yusuf Yusuf~SSPAMEDIA~mailto:Yusuf~SSPAMEDIA~mrsomalia@hotmail.com

Related Items


Leave a comment