Weriye ka tirsan Jariidada Ahram oo warbaxin xasaasi ah ka qoray Puntland

Friday October 08, 2010 - 08:41:17
0 Comments
3686
Super Admin
Weriye ka tirsan wergeyska Al- Ahram ee ka soo baxa dalka Masar laguna magacaabo Ayman Al-Siisi oo booqasho aan gabasho lahayn ku maray goobaha xasaasiga ah ee Puntland bishiiJuly ee ee sa nadkan isla markana weriysiyo kala gedisan la yeeshay masuuliyin ka tirsan Puntland iyo hogaamiyaasha burcadeedka ka hawlgala Puntland.

Ayaa waxaa dabayaqaadii bishii September ku soo daabacay wergeyska A l-Ahram maqaalo dhaadheer oo ku salaysan xogtii uu ka soo ururshay Puntland ee la xiriirtay Shabakada burcad badeedka ee ka jirta Puntland ,weriyahan ayaa waxaa puntland ka soo galay dhinaca magaalada Mukala ee dalka Yemen isaga oo soo fuulay mid ka mid ah doonyaha u qaada xoolaha dalka Yemen sidaasna ku soo galay magaalada Bosaso durbadiiba halkaas ka bilaabay inuu urursado xogtiisa la xiriirta burcad badeedka si aan gabasho lahayn

Warbaxintan oo aaad u dheer ayaa waxaan soo qaadanaynaa tarjumaada inta ugu muhiimsan ee weriyahani wargeysku ku qoray

Waxana uu cinwaan ka dhigay mid ka mid ah qeybihiisa

Ahram oo jiidhay godadkii burcad badeedka iyo weliba burcadeedku waa hay ad sir ah oo doorata barlamaan iyo madaxweyne

Waxuu uu yiri (Waxaa macluumad aanku xaqiijiyay in fasaadku uu ka talaabo dekeda Bosaso ilaa magaalada Mukala ee dalka Yemen halkas oo si qarsoon loogu gudbiyo lacagaha burcad badeedka ayna ku lug leeyihiin ganacsato waaweyn lacagahas oo si farsamaysan dabadeed maalgashi lagaga samaysto magaalada Xadarmowt iyada oo ka bilaabmanaysa doonyo kaluumaysi ilaa wershado kaluumaysi ilaa Bosaso ilaa Caluula , hubka iyo doonyaha dheereeya iyo agabkooda ayaa waxaa laga soo tahriibiyaa dalka Yaman iyada oo la adeegsanao dhaq dhaqaaqa bada ee ka jira dekeda Mukula amase Jasiirada Cabdi Alkuuri ilaa rasi casayr ,Caluuula ee dalka Somaliya inkasta oo dekeda Bekeda ay noqotay dekedaha ugu muhiimsan Somaliya laakiin dhalin yaro yar ayaa shaqo ka heshay halka shacabka intiisa kale ee ku sugan Puntland kuwaas oo gaaraya laba malyan iyo bar ay badan kood ay gaajo la il daran yihiin taas oo keentay in nololol maal meedka ay ka mid noqoto in aad aragto goobo lagu tuugsanayo sidaas awgeed lacagta inteeda badani oo weliba iyada oo tirooyin aad u farabadan waxa ay gacanta ugu jiraa kuwii ariga raaci jiray iyo kaluumaysatadii saboolka ahaa kuwaas oo noqday burcad badeed dabadeedna taasi ay keentay in awoodooda dhaqaale ay xoogaysato isla markana is habeeyay waxayna kuna halwgala burcadnimo iyaga oo dhistay urur burcad badeed hogaamiyana u yahay ninkii asaasay uguna caan san isla markaana ah ninkii ugu horeeyay ee ku kacay falka burcad badeedn imada waa ninka lagu magacaabo Abshir Booyax .waxaa ay xaqiijiyeen warbaxino ay heshay Al-Ahram in Abshir Boyax uu mudada xabsiga ku jiro uu qabsado kaalintisa hogaamineed ee kooxaha burcad badeedka isaga oo helaya qaybtiisa hawl galkasta islamarkana ay gacan siinayaan masuuliin ka tirsan maamulka ,ururkani xoogiisu kuma salaysana tirada xubnahisa kuwaas oo ilo wareedyo ayku qadareen tiradooda ilaa 1500 oo burcad badeed iyo tirooyin kale oo gacan saar la leh isuguna jira dhalin yaro rag kuwaas oo qabanaya adeegyada kala aha kaaliyayaal ,waardiyaal shaqaale iyo dareewalo kuwaas oo tiradoodu gaarayso ilaa 10 kuna isla markana samaynaya dhamaan shaqooyinka suurtagalka ah iyo kuwa aan suurtagalka ahayn isuguna jira nadiifinta goobaha la degan yahay biyo iyo raashin keenida iyo dumarka jirkooda ka ganac sada .
Sacad Cabdulahii oo ka mid ah dhalin yarada hubkooda ijaarta si loogu ilaaliyo wadooyinka iyo goobaha lagu haysto doonyaha la afduubay ayaa waxa uu yiri aniga iyo caruurtayda lixda ahi ma aanan haysan wax aanu quudano ,waxana ku noolayn ugu yaraan tuugsi halkas oo xaaskaygu ka tuugsan jirtay hoteelada horteeda ilaa aan ka arkay is bedel weyn mid ka mid ah asxaabtayda ,waxana ogaaday in barwaaqadisa cusub iyo kartida uu u helay inuu iibsado shayada qaaliga ah ay tahay adeega uu u hayo qaar ka mid ah burcad badeeda ay isku qabiilka yihiin ee Ciise maxamuud ee ku sugan magaalada Galkacyo ,waxana uu intaa sii raaciyay inuu ku dirqiyay saaxibkis inuu baro mid ka mid ah ragaas kaas oo tijaabo kaga qaaday ridida rasaasta iyo inuu awood u leeyahay inuu soo jeedo waardiyaha habeenkii kadibna markii uu ku guulaystay ay ogalaaden inuu la shaqeeyo taasina ay ka kaalmaysay quudinta ciyaalkisa isla markana ka celisay haweenaydiisa in ay tuugsi u baxdo isla markan ay weliba baaliristeen gurigii ay ku noolaayeen taasi waxa ay tahay tusaale ka mid ah tobaananka kun ee isugu jirta dhalin yada iyo raga iyo haweenka kuwaas u qaraabsi taga burcad badeedka )
.–
Maxay tahay musiibada weyne ee weriyuhu sheegay?

Weriyuhu waxa uu yiri :
( in musiibada weyn ay tahay in arrinta ururka burcad badeedku iyo xubnahiisu ay xoogaysteen kadib markii ay dhaqaale heleen xataa ay awoodeen in ay lacago laaluush ah u qaybiyeen xubnihii barlamaanka ee tiradoodu ahayd 66 xubnood una qaybiyeen laba malyan oo doolar waxana u qaybiyay Cabdiraxman Faroole si ay ugu doortaan madaxtinimada dawlada,waxana warbaxino ay heshay Ahram ay xaqiijiyeen in lacagtan uu u bixiiya Abshir Boyax hogaamiyaha burcad badeedka isaga oo u sii marsiiyay ninka la yiraahdo Maxamed kediye sidaa darteedna dagaaalka lagu qaadayo burcad badeedka ee had iyo jeer sheego madaxweyne Cabdiraxman Faroole iyo qaarka tirsan wasiiradiisa ma aha ilaa dacaayad lagu qaadsinayo gudaha isla markana lagu aamusinayo ragga diinta iyo duruqada suufiyada kuwaas oo khudbadaha Jimacdaha ku dhaleeceeye shaqooyinka iyaga oo saaran minbarada masaajidyada ,waxayna xaaran ka dhigeen in burcad badeedka wax laga gato ama wax laga iibsado iyo in xiriir guur lala yeesho ,iyada oo xaqiiqda xiriirkan ay xaqiijinayaan in dheer garadka Puntland iyo odayaal dhaqameedkoda gaar ahaana Islaam Ciise Islaam Moxamed oo ah islaamka qabiilka Cise Maxamuud ,waana qabiilka uu ka soo jeedo Booyaxa burcadka ah ee sharka badan iyo Cabdiraxman Faroole oo ah madaxweynaha Puntland .
Islaan Ciise ayaa dhowr jeer u yeeray madaxweynaha isla markana ku booriyay i nuu la dagaalamo burcad badeedka laakin waxaa uu u sheegay Islaamka tiro dhawr kulan kadib in isaga iyo dawladiisu aysan tabar u hayn taas oo ay sabab ugu tahay awood la aanta haysata arrintas oo Islaam Ciise ogyahay in aysan sax ahayn dabadeedna waa uu ka fogaaday iyaga iyo waxa ay samaynayaan waxana uu aaday degaanka baadiyaha ah ee Xasbihale ,waxana uu diiday in uu dadka qaabilo iyada oo la raacayo dhaqan qaabileedka Somalida marka uu qabiilku ku gacan sayro ama mid ka mid ahi hogaamiyahoda .

Waxa ay heshay Ahram dukuminti muhiim ah kaas oo xaqiijinaya in sheegashada Cabdiraxman Faroole ee ku aadan ciidamadisu amaanka ay san tabar u lahayn burcad badeedka aysan run ahayn waana warqad qoraal ah oo madaxweynuhu saxiixay 7 november 2009 kaas oo ku jihaysan dawlada Yemen gaar ahaana wasaarada arrimaha gudaha iyo tan kaluumaysiga iyo baddaha iyo taliyaha ciidamada ilaalada xeebaha dalka Yemen kaas oo uu ku sheegayo in uu dib uga laabtay ogalaanshihisi uu horay si rasmi a u bax shay kaas loogu ogalaaday Saadiq Shire iyo ragga kale ee ay shirkada kuwa jiraan oo ah maamulaha shirkada UNIFISH in ay ilaaliyaan xeebaha Puntland isla markana ay la dagaala maan burcad badeedka ,Saadiq iyo ragga kale ee ay shirkada kuwa jiraan ayaa horay uga codsaday madaxweyne Faroole inuu u ogaalado in ay ka hawl galaan xeebaha puntland kadib markii dhibaato ayka soo gaadhay bur cadeedka ka hawl gala Puntland,waxana uu sheegay in samayn doono maleeshiyo hubaysan oo badda ka hawl gasha ,waxana uu xaqiijiyay inuu awoodo in uu soo afjaro hawlgalada burcadeedku ka wadaan xeebaha Somaliya,waxana uu codsaday in la la socod siiyo dawlada Yemen si markas aan is ku dhac u iman lalana shaqeeyo .

Waxaa la ansixiyay arrintas laakiin madaxweynaha ayaa durbadiiba heshiiskii ka baxay ,sababtuna waxa weeye waa dhaqaalaha iyo taageerada uu ka helayo iyo balanqaadyada joogtada ah ,waxana arrintasi sidoo kale ay dabaqmaysaa wasiirkisa arrimaha gudaha Ilka jiir kaas oo haysta dhalasho Maraykan ah ,waxana lagu yaqaan inuu gacan saar la leeyahay burcad badeedka uuna siiyo sahayda muhiimk ah ayna ka mid tahay raashinka ,Khamrada iyo hubka taas bedel keedna uu helaayo qadar cayiman oo ka mid ah madax furashada ay bixiyaan mulkiilayasha doonayhay ,isaga oo dhex dhexaad ahaan u soo dhex gala si bareer ah marka la sii daynayo waxana si buuxda u ogyahay lacagta uu helayo madax furasho kasta oo la baxsho ,Madaxweyne Faroole ayaa ergay ahaan ugu diray horay dalka Yemen si uu dib ula soo noqdo ogalaanshihi madaxweynaha una dhiibo dhambaalka madaxweynaha ee ku aadan in la diiday heshiiskii hore arrintas oo ku dhiiri gelisay tiro ka mid ah burcad badeedka in ay isu bedelaan maal geliyayaal waxana ka mid ah Cali Sawax kaas ii hawshan foosha xun waday mudo laba sano ah ilaa lacagtiisu ay gaadhay in ka badan 9 malyan oo doolar waxana uu ka dalacay faqiirnimo ilaa uu gaaray dadka muuqda magaaladiisa kaas oo ku nool guri weyn oo qalabaysan ,waxana uu leeyahay laba doonyood oo kuwa kaluumaysiga ah kuwaas isaga goosha xeebaha Yemen iyo Somaliyia si degan oo amaan ah ,waxa ayka soo helaan kaluumaysiga iyo burcad badeedka waxaa lagu biiriyaa wershad kaluun ee ku taal magaalada Mukala waxana uu leeyahay sheer gaaray boqolkiiba lixdan .

Waxaa dabadeed uu weriyuhu ka sheekeyay ninkale waxana uu yiri (Ciise Xaji Farax oo degan Bosaso kana mid ah ganacsatada ugu waaweyn ,waxana uu leeyahay 12 doonyood oo kalumaysi qaarkod wuu soo kiraystay ,qaarna waxa uu la wadaagaa niman reer Tailand ah waxa uu si amaan ah doonyihiisu isaga gooshaan xeebaha bari iyo waqooyi ee Somaliya ,burcad badeedkuna midna isku taabto doonyihiisa waayo waxa uu yahay kan ugu weyn ee fan gareeya hawl galadooda taas oo uu ka helo boqolkiba afartan madax furashada la bixiyo

Waa tarjumo kooban ee ka sii daalaco halkan war bixintii oo afcaribi ah

http://www.ahram.org.eg/304/2010/09/29/12/41139/219.aspx

Related Items


Leave a comment