Ninkii ugu horeeyay ee macdan qodayaasha ku xayirnaa dhulka hoostiisa muddo dhowr bilood ah, ayaa laga soo saaray dhulka hoostiisa.
Florencio Avalos oo 31 jir ah, ayaa noqday ninkii ugu horeeyay ee laga soo saaro 33 macdan qode oo in ka badan laba bilood ku xayirnaa dhulka hoostiisa.
Qalab sida capsule u samaysan, ayaa god laga qoday meel ku aadan halka ay ku xayirnaayeen macdan qodayaasha gaaray, iyadoo uu saaran yahay mid ka mid ah khubarada dusha sare joogay ee ka shaqeynayay howlgalka badbaadinta dadka oo ku xayiran ilaa 2000 oo feet oo dhulka hoostiisa ah.
Xaaskiisa iyo caruurtiisa, ayaa ka mid ahaa dadka godka dushiisa u taagnaa ee ugu horeeyay ee salaama markii laga furay qalabka looga soo saaray dhulka hoostiisa oo uu ka mid ahaa 33 macdan qode oo muddo dheer halkaas ku jiray.
Gabadhiisa yar, ayaa aad u oysay markii ay aragtay aabaheed kadibna mid mid ayuu u gacanqaaday oo hab siiyay dhamaan dadka oo uu ku jiro madaxwaynaha.
Madaxwaynaha dalka, Sebastian Pinera iyo qaar ka mid ah wasiirada oo uu ka mid yahay wasiirka macdanta, ayaa dusha sare ku soo dhoweeyay Florencio Avalos oo noqday ninkii ugu horeeyay ee 33-da macdan qode ee la soo badbaadiyo.
Markaa kadib ayaa loo qaaday goob caafimaad oo goobta dhinaceeda laga sameeyay.
Ninkii labaad ee la soo badbaadiyo ayaa noqday Mario Sepulveda, oo isagu dhagxaan yar yar hadiyay u siiyay dadkii dhulka dushiisa ku sugayay oo uu ka mid ahayd xaaskiisa, oo ugu horaysay dadka uu hab siiyay oo uu ku jiray madaxwaynaha.
33-da macdan qode, ayaa qoray liis sida ay u kala horaynayaan, taasoo ay dhexdooda ka doorteen.
Mid mid ayaa loo soo badbaadin doonaa ilaa kan ugu dambeeya macdan qodayaasha laga soo saaro.
Leave a comment