Qaadista Canshuurta Gadiidka Oo Ka Bilaabatay Magaalada Galkacyo Ee Gobolka Mudug

Sunday March 28, 2021 - 14:17:13
0 Comments
466
Meeraysane.com

Waxaa Maanta gudaha magaalada Gaalkacyo Siweyn uga bilaabantay qaadista Canshuurta gadiidka Gobolka mudug ee sanad laha ah taas Oo ay qaadisteeda ay iska kaashanayaan Wasaarada maaliyada iyo Ciidanka tubataariyada puntland.

Sida Uu ii Sheegay Sargaal kamid ah Wasaarada maaliyada Gobolka mudug Oo aan weydiiyay ayaa ii xaqiijiyay in qaadista Canshuurta gadiidka ay si wanaagsan u socoto, islamarkaasna ay tahay mid Lagu ogaanayo gawaarida Ka Qayb qaata falalka amaan daro ee Ka dhaca magaalada galkacyo.
 
Arintaan ayaa ku Soo aadaysa iyadoo Ciidamo ka tirsan Daraaawiishta Puntland oo ka gadoodsan mushahar la’aan, Oo mudda todobaad ah isbaaro ay dhigteen wadada isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.

Qaar katirsan Saraakiisha Ciidamada Gadoodsan ayaa warbaahinta u sheegay in aysan halkaas ka tagaynin inta laga siinayo mishaarkii ka maqanaa, islamarkaana wax Madax ah isticmaali Kari wadadaas u dhexeysa Galkacyo & Garoowe.

Axmed Kadar Rajaa
Meeraysane.com
Galkacyo.
ramsiraas@gmail.com

Related Items


Leave a comment