Maxaa daaray Ivica Olic?

Tuesday November 02, 2010 - 18:38:43
0 Comments
2476
Super Admin
BERLIN: - Weeraryahanka kooxda Bayern Munich Ivica Olic ayaa lagu wadaa in lagu sameeyo qaliin jalibka ah taasoo sababeyso in uu garoomada ka maqnaado mudo lix bilood ah.


Xidigan u dhashay dalka Croatia ayaa barayahanba la dhutinayey xanuun jilibka ah sida ay xaqiijiyeen maamulayaasha kooxda Bayern oo la hadlay shalay warbaahinta.

"Caadiyan aad ayaan uga xumahay waxaan rajeynayey in aan sii wadan doono ciyaaraheyga sidi xilli ciyaareedki hore" sidaa waxaa yiri Olic oo xilli ciyaareedki lasoo dhaafay u saxiixay kooxdiisa 19 goals 41 ciyaarood oo uu saftay.

Bayern ayaa sheegtay in Olic uu u duuli doono Mareykanka halkaasi oo lagula sameyn doono qaliinka si wax looga qabto dhaawacan oo haleelay bsigi August isaga oo u safnaa xiligaasi xulkiisa Croatia.

Maqnaanshihiisa ayaa dhabarjab weyn ku ah kooxda Bayern oo ay awalba ka dhaawacnaayeen xidigaha garbaha uga ciyaara ee kala ah Arjen Robben and Franck Ribery, iyo sidoo kale weeraryahan Miroslav Klose.

Bayern hada kaalinta todobaad ayey kaga jiraalka Bundesliga, habeen danbana waxa ay is arki doonaan kooxda ka dhisan dalka Romania ee CFR Cluj ciyaar ka tirsan koobka Champions League.

Xusseen C/qaadir

Boston,MA

Related Items


Leave a comment