Qubanayaal Isboorti oo goos goos ah.

Tuesday November 02, 2010 - 18:40:34
0 Comments
2523
Super Admin
QUBANAYAAL ISBOORTI: Weeraryahanka kooxda Tottenham Rafeal Van Der Vaart ayaa seegi doono kulanka adag ee kooxiisa la ciyaari doonto kooxda Internazionale ee wadanka Talyaaniga habeen danbe. Xidigaan ka soo jeeda wadanka Holland ayaa qaba dhaawacyo qaba sidaasna waxaa sheegay macalin kooxda Spurs-ka.
*dhanka kale xidiga u dhashay wadanka Romania Adrian Mutu ayaa mrkii ugu horeesay ka soo muuqday kulankii xalay ee dhex maray kooxaha Fiorantina iyo Catania kadib 9 bilood oo uu garoomada ka maqnaa.
Xidigaasi hore ee kooxda Chalsea Mutu ayaa waxaa uu soo liqay ganaax uu dul dhigay xiriirka kubada cagta ee wadanka Talyaaniga markii uu lagu helay in uu isticmaalay muqaadaraad.
*Kooxda Lazio ayaa sii dheereesatay hogaaminta horyaalka wadanka Talyaaniga markii ay shalay ka soo talaabsatay kooxda Palerma oo ka mid ah kooxaha ugu awooda roon horyaalka wadanka Talyaaniga.
Kooxda ka dhisan gobalka Lombardia ayaa guusha ay gaartay waxa ay ugu mahad celineysaa xidigooda reer Brazil Andre Dias' oo ahaa dhaliyihii goolka guusha y kooxda Lazio shalay ku garaacday kooxda ka dhisan garoonka Renza Berber.
Rio Ferdinand iyo R. Giggs ayaa lagu soo waramayaa in ay safan doonin kulanka ay u safrayaan wadanka Turkey ee ka tirsan Champion League todobaadkaa.
Labadaan xidig ee muhiimka u ah kooxda Red devils ayaa ku dhaawacmay ciyaartii todobadkii hore ay la yeesheen kooxda West bromich oo ka tirsaneed horyaalka Ingriiska.
*Luca Castelazzi oo ah goolhayaha labaad ee kooxda Inter Milan ayaa diyaar u ah buuxinta booska uu ka maqanyahay Julio Cesar oo dhaawacan.
Macalinka Inter Benitez ayaa xaqiijiyay in J. Cesar uusan soo xaadiri doonin ciyaarta caawa ay la leeyihiin kooxda Tottenham ee wadanka Ingriiska taasi oo ka tirsan koobka Horyaalada Yurub.
Xusseen C/qaadir
Boston,MA

Related Items


Leave a comment