Ilaa 10-Ruux Oo Ku Geeriyootay Qarax Ka Dhacay Isgooska Ceel gaabta Ee Magaalada Muqdisho

Saturday September 25, 2021 - 22:14:25
0 Comments
283
Muqdisho

Ilaa iyo 10-ruux ayaa ku Geeriyooday Qarax loo adeegsadey gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo maanta ah ka dhacay aga-gaarka isgoyska Ceelgaabta ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidanka Booliska ayaa tilmaamay dhimashada u badan tahay dadka shacabka ah Aakeri Tarafiko ah, sidoo kale ay ku dhawaacmeen ilaa-9 ruux, oo hadda xaaladooda Caafimaad lagula daweeynayo Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Dadka dhintay ayaa isugu jiray Saraakiil dowladeed iyo dad shacab ah oo goobta Ka Agdhawaa.

laamaha Ammaanka ayaa sheegay in laga yaabo in khasaaraha uu sii kordhi karo maadaam ay jiraan dhaawacyo badan la gaarsiiyay Isbitaalada magaalada muqdisho.


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment