Ururka Ahlusuna Oo Soo Bandhigay Sargaal Ka Goostay Dawlada Soomaaliya.

Wednesday March 02, 2022 - 16:07:45
0 Comments
342
BOHOL GALGADUUD

Ururka Ahlusuna ee ku sugan deegaanka Bohol ee Gobolka Galgaduud ayaa maanta soo bandhigay sargaal ka goostay Dawlada Soomaaliya.


Ninkan ay soo bandhigeen Ahlusuna ayaa watay gaari nuuca loo yaqaano barabokiska iyo labo qori nuuca daba jeexa ah loo yaqaano.


Weli laamaha amniga Galmudug iyo kuwa Dawlada Soomaaliya ee la sheegay inuu ka goostay kama aysan hadlin sargaalkaasi isku dhiibay ururka Ahlusuna.


Deegaanka Bohol oo duleedka dhuuso mareeb dhaca waxaa fadhiisin ku leh Ahlusuna oo maalmihii lasoo dhaafay dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul dagaal ay ka wadeen kuna doonayaan in dib uqabsadaan Guriceel oo bishii October sanadkii hore laga saaray.


Dhuuso mareeb oo ah Caasimada Galmudug waxaa shalay lagu soo dhaweeyey Sayid Cabdi Cali Xaashi oo labo xiddigle ah ku biiray Ahlusuna xilligii dagaalka Guriceel balse garwaaqsaday inuu Galmudug dib ugu laabto, iyadoo uu ahaa sargaalkaasi Taliyaha Ciidanka Garoonka diyaaradaha Dhuuso mareeb.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment