Madaxa hay’adda Badmareenada bariga Afrika Andrew Mwangura ayaa Wakaalada wararka ee Reuter’s u sheegay in kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ay afduub u geysteen sadaxdasi muwaadin ee u dhalatay wadanka Britain kuwaas oo watay Dooni yar xilli ay marayeen meel u dhaw xeebaha Jasiiradda Seychelles.
Mr Muwangura ayaa tilmaamay in kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay maalmihii ugu dambeeyey sii lixaadsadeen afduubka ay kula dhaqaaqayaan Maraakiibta iyo doonyaha isticmaasha marinka mashquulka badan ee gacanka Cadan halkasi oo Istaraatiiji muhiim u ah Maraakibta isaga kala gooshta Qaaradaha Yurub iyo Aasiya.
Warar aan la xaqiijin ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in doonidaasi ay wateen sadaxda reer Britain laga afduubtay meel u dhaw xeebta Lamu ee wadanka Kenya.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arimaha dibada ee dalka Britain ayaa warbahinta u sheegay in ay ka warheleen warbixinta tilmaamaysa in kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay afduubteen Sadax muwaadin oo u dhalatay wadanka Ingiriiska kuwaasi oo la socday dooni kuwa dalxiiska ah oo marayey badweynta Indiya.
Lamaanayaasha u dhashay wadanka Britain ee lagu kala magacaabo Paul Chandler 61 sanno jir ah iyo haweeneydiisa Rachel oo 57-sanno jir ah ayaa bishii oktober ee sanadkii tagay waxaa afduub u geystay kooxaha burcad badeed Soomaalida ah kuwaas oo ilaa iyo iminka gacanta ugu jira kooxahasi Afduubtay.
Leave a comment