Dalaalo Nabadeed Oo Lagu Xalinaayo Colaad Kala Gaartay Beelo Dega G/Nugaal

Monday August 30, 2021 - 14:00:48
0 Comments
363
Nugaal

Waxaa Socda deminta Colaado Shalay ina dhaafay dhexmaray laba beelood oo wada dega Gobolka Nugaal dagaalkaasi oo gaystay khasaare culus.

Beelahaan ayaa la sheegay in ay horay ugu dagaalameen deegamaynta dhulka, iyadoo hadda socto ifafaalo nabadayn ah, si loo soo afmeero isku dhacyada beelahaan iyo waxa keena.

Nabadoon Khaliif Aw Cali oo ka mid ah guddi uu maamulka Puntland u saaray nabadaynta beelahaas ayaa Tilmaamay in haatan ay ku dadaalayaan sidii loo baajin lahaa in dhiig dambe uu ku daato degaankaas.

Inta badan dalaada Noocaan ah ayaa sababa dhimasho iyo dhaawac oo kala gaara dadka kasoo kala jeeda Gobolada Nugaal iyo Sool iyagoona geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Related Items


Leave a comment