Ahmed abdullahi waa wiil somaliyed

Tuesday November 09, 2010 - 13:12:03
0 Comments
4380
Super Admin
AXMED ABDULLA WAA WIIL SOOMAALIYEED OO KA MID AH CIYAARYAHANADA KOOXDA WESTHAM UNITED

Ciyaaryahanka Ahmed Abdulla waa wiil Soomaaliyeed oo ka tirsan kooxda WestHam London oo ka mid kooxaha heerka koowaad ee dalka Ingiriiska.

AHMED ABDULLA waxa uu ku dhashey 12 Nov 1991 dalka Sacuudiga, islamarkaana waxa u haystaa dhalashada dalka Sacuudiga laakinse waa Soomaali waalidkiis ay halkaasi yimadeen mudo hore, waxana uu ku hadlaa Soomaali,Carabi iyo Ingiriis.



Ciyaaryahankan ayaa ka mid ah ciyaartooyda lagu wado inay si rasmi ah uga mid noqdaan kooxda heerka koowaad ee WESTHAM, kadib markii sanadkaan loo saxiixey heshiis rasmi ah oo uu kaga mid noqayanayo ciyaratooyda heerka koowaad ee kooxda Westham.

Ciyaaryahan Axmed Abdulla hore waxa uu uga mid ahaan jirey ciyaartooyda mustaqbalka kooxda Arsenal laakinse markii jirey 16 sanadood ayuu uga soo wareegay kooxda Westham United ilaa haatana ka tirsan kooxda keyda WestHam waxana uu ka dheelaa weerar ama dhexda.

Todobaadkii dhawaa ayay kooxda Westham iyo Man City isaga hor yimadeen ciyaar magaalada London, ciyaartaas oo dhexmareysay labada naadi keydkooda ayaa waxaa labada naadi u kale dheelayay labo wiil oo Soomaali ah oo ka kale tirsanaa kooxaha West Ham iyo Man City.

Ciyaaryahan Abdisalaam Ibrahim oo ka tirsan kooxda heerka koowaad ee Man City islamarkaana dhaliyay goal ka mid ah goalasha kooxdiisa ay kaga badisey kooxda WestHam ee uu dheelo ciyaaryahankaan Soomaaliyeed ee la dhaho Axmed Abdulla.

Abdisalaam Ibrahim ayaa noo xaqiijiyay inuu garoonka ku soo arkey wiil Soomaaliyeed oo u dheela kooxda Man City lana yiraahdo Ahmed Abdulla islamarkaana mustaqbal wanaagsan leh, waan wada hadalney wuxuuna iisheegay inuu ku dhashay dalka Sacuudiga laakinse uu degan yahay magaalada London, hataana uu ke helay kooxda Westham ciyaaryahanada u fadhiya keyda (Tribune reserve member).

Ciyaaryahan Abdisalaam Ibrahim ayaa doonaya in ciyaaryahanada Soomaaliyeed ee ka tirsan kooxaha kale duwan ee dalkaan iyo meelaha kaleba la soo saaro islamarkaana loo muujiyo taageero si niyadooda kor ugu sii kacdo.

Mustaqbalka dhaw waxaa garoomada dalkaan Ingiriiska ka soo dhex muuqan doono ciyaaryahano badan oo Soomaali ah hadii Eebe idmo, kooxaha dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka midka yihiin waxay kale yihiin MAN CITY,WIGAN, WESTHAM,CHELSEA,FULHAM.

Waalidiinta Soomaaliyeed ee degan dalalka Yurub ee u heli kara fursadahaan caruurtooda waxaa looga fadhiyaa inay ku dadaalaan inay ubadkooda ka soo qoraan naadiyada kubadda cagta, kubada koleyga iyo ciyaaraha fudud ee ka dhisan xaafadaha ay degan yihiin, bahda isboortiga qabanqaabisa ee Soomaaliyeedna waxaa looga baahan yahay inay wax weyn ka badalaan ciyaaraha iyo tartamada ay qabtaan sanad walbo, waayo ( open age cup) wax faaido ah uu u leeyahay ma jirto, marka waxaa muhiim ah inay qabtaan koobab caruurta lagu soo saarayo sanad walbo waqtiga iskoolada fasaxa yihiin sida koobabka U10,U12,U14 IYO U16, wixii ka badan mustaqbalkooda waa yaryahay marka loo eego qaabka kooxaha waaweyn ay ku qataan ciyaartooydooda mustaqbalka.

Ciyaaryahan Axmed Abdulla waxaan u rajeynaynaa mustaqbal wanaagsan iyo horumar degdeg ah insha Allah, Ciyaaryahan Cabdisalaam Ibrahim Caddaay waxaan uga mahadcelinaynaa sida sharafta badan uu u jecel yahey in niyada loo dhiso ciyaaryahanada Soomaaliyeed ee ka dheela kooxaha kale duwan.

W/D: Yusuf Yusuf

SSPAMEDIA

Related Items


Leave a comment