Xasan Daahir Aweys oo si adag ooga hadley dilka wiilkiisa iyo cida ka danbeysey.

Friday October 07, 2022 - 10:00:46
0 Comments
400
Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
Meeraysane media:
(MUQDISHO):Xasan Daahir Aweys hogaamihii hore ee Xizbul-islaam, markalane kamid ahaa hogaamiyaasha Alshabaab iminkana xabsi guri ku ah magaalada caasimada ee Muqdisho, islamarkaana u xiran dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay dilka wiilkiisii Marxuum Ibraahim oo dhowaan lagu diley duqeyn uu Mareykanka ka fuliyey gobolka Jubbada Hoose, taas oo sidoo kale lagu khaarijiyey Cabdullahi Nadiir oo ahaa hoggaamiye sare oo ka tirsanaa ururka Alshabaab.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo muuqaal uu ku daabacey bartiis gaar ah Facebook, ayaa ku sheegay inuu wiilkiisa shahiid yahey isaga oo sheegay inuu ku baxay gacanta Ameerikaanka, islamarkaana ay ku faraxsan yihiin ka qoys ahaan, sida uu hadalka u dhigay.

"Waaba ku faraxsanahay annagu hooyadiis ayaa ugu daran, ayada waxay la rabtay dagaalkii Xabashida Iidaale inuu ka shahiido ayey hooyadii rabtay, haddana ilaahey ayey ku mahdisay, isaga oo wax ka tegay, afar carruur ah ayuu lahaa” ayuu yiriXasan Daahir.

Dhanka kale waxa uu ka hadley Xasan Daahir Aweys dilka Cabdullahi Nadiir oo ahaa madaxii dacwadda kooxda Al-Shabaab,
"Kan kalena (Cabdullaahi Nadiir) walaalkey buu ahaa walaashey ayaa u dhaxday, ardayna waa ii ahaa,” ayuu markale yiri Xasan Daahir Aweys.

Hadalka kasoo yeeray Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa si weyn looga falceliyey, waxaana lagu baahiyey baraha bulshada, ayada oo dadka qaar ay su’aallo badan ka keeneen, ayaga oo is-weydiinayo in uusan weli isbeddalin fikirka wadaadkan oo horey uga mid ahaa hoggaanka kooxda AS.

Related Items


Leave a comment