Real Madrid oo u tafa xeydatay Hernandes iyo warar xiisa leh.

Tuesday November 09, 2010 - 20:28:53
0 Comments
3039
Super Admin
Naadiga weyn ee wadanka Spain Real Madrid ayaa waxay aaminsan tahay inay u dhaqaaqi karto weeraryahanka cusub ee kooxda Man utd Javier Hernandez.

Real Madrid ayaa doonaysa inay lasoo wareegto Javier Hernandez marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartooyda bisha Janaayo isla markaana ay gacanta ku soo dhigto xidigaas.

Sida laga soo xigtay shabakadda warbaahinta Cadena Ser Radio ee dalka Spain,tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa u hanqal taagaya inuu xoojiyo xulkiisa weerarka Real Madrid isagoo doonaya weeraryahanka wadanka Mexico Javier Hernandez inuu ka mid dhigo ciyaaryahanada weerarka Real Madrid.

Si kastaba Manchester utd ayaanan suura gal ahayn inay iibiso Javier Hernandez kaliya afar bilood ayuu ku sugan yahay kooxda iyagoo 6 milyan oo gini kaga soo iibsaday kooxda Guadalajara.

Javier Hernandez oo 22 jir ah ayaa durba la qabsaday kooxda Manchester utd isagoo ciyaaro wanaagsan kazoo bandhigay garoonka Old Trafford.

Xidigaan Javier Hernandez waxaa lagu naanaysaa 'Chicharito' waxana uu dhaliyay lix gool isagoo todobo kulan kusoo bilaawday kooxda Man Utd.

Tababare Jose Mourinho waxaa uu taageero u yahay weeraryahankan kaasi oo ka ciyaari kara horey iyo garbaha wuxuna rabaa inuu kusoo daro xulkiisa weerarka isagoo haatan heysta kaliya labo weeraryahan oo kala ah Gonzalo Higuain iyo Karim Benzema.

Kooxda Inter oo doonaysa Ranocchia.

Naadiga ah horyaalka Talyaaniga Inter ayaa waxay doonaysaa inay lasoo saxiixato daafaca naadiga Genoa Andrea Ranocchia.

Kadib markii uu dhaawac xoogan uu soo gaaray daafaca naadiga Inter ee Walter Samuel ayaa kooxda Inter Milan waxay doonaysaa inay hesho badalka daafacaas.

Naadiga lagu naanayso Nerazzurri ee Inter ayaa waxay leedahay qeyb kamid ah xidigan iyadoo qorsheynaysa inay ka dhigto ama ay lasoo wareegto gabi ahaanba lahaanshaha daafacan Andrea Ranocchia.

Jariiradda kazoo baxda dalka Talyaaniga ee La Gazzetta ayaa rumaysan in howlgalkan ay Inter ku doonayso inay kula soo wareegto Andrea Ranocchia ay ugu kici doonto qiimo lacageed oo dhan 10 Milyan oo Euro.

Gudoomiyaha kooxda Genoa Enrico Preziosi ayaa horey u sheegay inuu ganacsi ka samayn doonno xidigan daafaca Andrea Ranocchia oo 22 jir ah.

Haddii ay kooxda Inter ay heli wayso lahaanshaha xidigan Andrea Ranocchia ayaa Marco Branca oo ka tirsan maamulka kooxda Inter uu sheegay inuu u dhaqaaqi doono dalka Ingiriiska halkaas oo ay ka heli karaan badalka booska daafaceed ee kooxda Inter.

Tiro ciyaaryahano daafac ah ayay kooxda Inter sheegtay inay doonayso in ay ku xaliso dhibaatada daafac yaraanta naadiga Inter waxaana kamid ah ciyaaryahanada ay doonayso Daniel Agger, Gary Cahill iyo Brede Hangeland laakin kooxda Inter waxay doonaysaa oo bartil maamedka 1-aad u ah Ranocchia.

Xidiga Samuel ayaa la sheegay inuu garoomada ka maqnaan doonno muddo dheer.]

Buffon oo gaashanka ku dhugtay inuu ku biirayo Manchester utd.

Gool hayaha caanka ah ee xulka Talyaaniga iyo naadiga Juventus Gigi Buffon ayaa waxaa uu beeniyay wararka sheegaya inuu ku biirayo naadiga Man Utd ee dalka Ingiriska isagoo sheegay inuusan meel kaga soconin kooxdiisa Juventus.

Mustaqbalka gool haye Gigi Buffon ayaa mugdi galay todobadyan iyadooo ay soo baxdeen warar sheegaya inuu ku biirayo kooxda sida weyn u raadinaysa gool hayaha ee Manchester utd.

Gigi Buffon wuxuu kazoo kabsanayaa dhaawac kazoo gaaray dhabarka koobkii adduunka isagoo lagu sameeyay qaliin.

Waraysi uu siiyay Gigi Buffon wargayska Tuttosport,ee kazoo baxa magaalada Torino ayuu ku sheegay inuusan qorsheynaynin inuu isaga tago kooxda Juventus.

“waxaan ku sugnaan doonaa kooxda aan u dhashay ee Juventus ayuu yiri Gigi Buffon isagoo intaa raaciyay inuu kazoo kabsanayo dhaawacii soo gaaray.

Gigi Buffon ayaa waxaa kaloo uu sheegay in lixdii sanno ee ugu dambeysay lala xiririnayay kooxda Manchester utd taasna ay tahay hadalo ay dadka qaar ay iska jecel yihiin.

Chelsea oo 20 milyan ku doonaysa Sergio Busquets.

Kooxda Chelsea ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay u dhaqaaqday xidiga qadka dhexe ee xulka Spain iyo kooxda Barcelona Sergio Busquets.

Chelsea ayaa bartil maamedka 1-aad waxaa u ah ku guulaystaha koobka adduunka Sergio Busquets kaasi oo kamid ah xidigo ay si weyn u doonayso Chelsea inay ku badasho ciyaartooyda da’da ah ee kooxda Chelsea.

Sergio Busquets kaliya waa 22 jir wuxuna boos joogto ah ugu ciyaara kooxda Barcelona isagoo kamid ah xidigaha qadka dhexe kuwooda ugu wanagsan horyaalka Spain.

Barcelona ayaanan suura gal ahayn inay fasaxdo xidigan Sergio Busquets inkastoo ay 22 milyan kaga soo iibsatay Javier Mascherano kooxda Liverpool hadana waxaa uu wali mascherano booska 1-aad ka heysta Sergio Busquets.

Sida ay qortay jariiradda kazoo baxda dalka Spain ee El Mundo Deportivo wakiilo ka socda kooxda Chelsea ay waydiimo labo labayn ah u diray kooxda Barcelona oo ku aadan Sergio Busquets waxaana suura gal ah qorshe kasto oo lagu iibinayo Sergio Busquets inuu hor istaago tababaraha kooxda Barcelona Pep Guardiola.

Qandaraaska uu kula jiro Barcelona Sergio Busquets ayaa dhamaanaya ama ku eg sanadka 2013 iyadoo horey kooxda Barcelona u soo bandhigtay xidigaan hishiis qaali ah.

Police-ka magaalada Manchester ayaa la galiyay diyaar garoow ka hor kulanka dhexmaraya labada naadiga ee reer Manchester.

Booliska magaalada Manchester ee dalka Ingiriska ayaa bilaabay oo xoojiyay roondada ama kontaroolka magaalada ka hor kulanka darbiga ah ee dhexmaraya naadiyada isku magaalada ah ee Man Utd iyo Man city.

Kulankan dhexmaraya labadan naadi aya dhacaya arbacada iyadoo booliska ay sheegeen inay ka hor tagi doonaan isku day kasto oo dhanka shaqaqooyin ah ama rabshado suura gal ah inay dhigaan taageerayasha labada naadi.

Booliska ayaa sheegay in aysan u ogolaan doonin taageerayaasha inay wataan ulaha Golf-ka iyo walxo kale oo suura gal ka dhigi kara in dadka lagu dhibaateeyo.

Xiririka kubada cagta ingiriiska ee FA iyo Booliska magaalada Manchester ayaa ugu digay labada naadi inay ku kacaan wax ka dhan ah amaanka isla markaana ay isku dayaan inay ciyaartaan ku dhamaato si nabad galyo ah.

Xusseen C/qaadir

Boston,MA

Related Items


Leave a comment