Mudane Donald M. Payne, oo ah guddoomiyaha guddi hoosaadka arrimaha Africa iyo caafimaadka dunida ee congress-ka Maraykanka ayaa war-saxaafadeed ku saabsan magaacbistaas ku sheegay in wasiirada cusub ay yihiin rajo ifaysa oo ay heshay Soomaaliya.
"Ra’iisul wasaare Maxamed iyo golihiisa wasiirradu waxay leeyihiin aqoontii iyo khibraddii ay Soomaaliya ku gaarsiin lahaayeen jidkii xasiloonida iyo nabadda, balse halka laga filayo waxay gaari karaan markii ay garab-istaagaan shacabka Soomaaliyeed, hay'adaha dowladda iyo taageerada bulshada caalamka.
Xildhibaannada baarlamaanka faderaalka Soomaaliya, ayaa bishii Oktoobar 31-keedii ansixiyay ra’iisul wasaare Maxamed C/llaahi. iyadoo ra’iisul Wasaaruhu uu si dhaqso badan u gudo-galay dhismaha xukuumad ka kooban 18 wasiir — kuwaasoo tiro ahaan kala bar ka yar golihii hore, iyadoo lagu soo xusay wasiirrada aqoontooda.
"Golaha wasiirradu, waxay sugayaan ansixinta baarlamaanka, laakiin warar aan wanaagsanayn ayaa soo yeeraya, kuwaasoo ah in qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka ay si ula kac ah u hortaagan yihiin hannaanka ansixinta," ayuu Payne ku sheegay warsaxaafadeedkiisa.
Mudane Payne, wuxuu ugu baaqay xildhibaannada baarlamaanka inay kalsoonida siiyaan xukuumadda cusub, maadaama ay horyaallaan howlo adag, xilliga DKMG ahna uu aad u yar yahay. Wuxuuna Payne yiri: "Waa lagama maarmaan in tallaabooyinkaas la qaado iyadoo loo danaynayo nabadda, xasiloonida iyo rajada dadka Soomaaliyeed."
Sidoo kale Payne, wuxuu hadalkiisa raaciyay: "Dowladda Maraykanka, Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD waxay ka shaqaynayaan in Soomaaliya ay hesho midnimo, nabad iyo amni, waa in lala xisaabtamaa shakhsiyaadka sida ula kaca ah u hortaagan una daahinaya in horumar la gaaro dano shakhsi ah oo ay leeyihiin awgeed."
Leave a comment