Ciidamada Amison oo dad rayid ah rasaas ku hoobiyey si bareera KM4

Tuesday November 23, 2010 - 20:14:22
0 Comments
1043
Super Admin
Ciidamada Amison oo dad rayid ah rasaas ku hoobiyey si bareera KM4 waqti ay saarnaayeen dadkaas gaariga looyaqaan PL-ka ama Gadiidka dad waynahay waxaa halkaas ku dhintay ku dhawaan 3qof halka in kabadan 10 kale ay ku dhaawac meen

Kolonyo ay wateen Ciidamada shisheeye ayaa duhurnimadii maanta si bareer ah rasaas ugu furay dad ku sugnaa inta u dhaxeysa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Isgoyska KM-4

Dadka dhibaatada soo gaartay ayaa isugu jira dad rayid ah oo saarnaa gawaari iyo dad wadada hareerteeda socday xliga ay ciidamada shisheeye dadka dilayeen. Waxaana dadkii dhaawacmay goobta ka qaaday baabuurta dadweynaha oo geeyey isbitaalka Madiina.

Ma jirin wax carqalad ah oo ay la kulmeen ciidamada shisheeye iyagoo dadkana si sabab la’aan ah u laayey. Waxaana xusid mudan in wadada KM-4 ay ka mid tahay meelaha ay fariisimaha ku leeyihiin ciidamada Shisheeye ayna amnigeeda iyaga hayaan.

Ciidamada shisheeye ayaa socodkoodii iska sii watay ka dib markii ay dadka dileen taasoo muujineysa sida aysan dadka ugu nexeyn ciidamada oo sheegta inay dalka u yimaadeen nabad ilaalin.

Halka ugu badan ee dadkaas ay ku laayeen Ciidamada AMISOM ayaa waxaa ka mid ah afaafka hore ee Wasaaradii Kaluunka oo u dhow nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha, iyadoo qaar ka mid ah dadkaas ku jireen kuwo mehradho ganacsi goobta ku lahaa.

Dadka deegaanka ayaa la yaabay hab dhaqanka Ciidamada Amisom iyo sabab la’aanta maanta ay rasaas ugu laayeen dadkii rayidka ahaa, waxaana dadka reer Muqdisho ay yihiin kuwo dulqaadka ka sii dhamaanaya, marka loo eego falalka cadawtooyada ku saleysan ee ay ku kacayaan Ciidamada shisheeye ee Muqdisho jooga.

DFKMG oo sheegta inay ciidanka keentay ayaan ka hadlin ilaa hadda dhibaatadan maanta ay geysteen ciidamada Shisheeye.

Related Items


Leave a comment