Mogdisho: xaflad lagu sagootinayey arday deeq waxbarasho ka heshay Sudan oo ka dhacday Mogdisho

Wednesday November 24, 2010 - 21:03:57
0 Comments
2446
Super Admin
xaflad si heer saraa loo soo agaasimyey lagu sagootinayey arday deeq waxbarasho ka heshay wadanka Sudan ayaa maanta ka dhacday Casumada Dalka somalia Mogdisho
Xaflad si heer sare ay u soo agaasintay wasaarada hidaha iy tacliinta sare ee dkmg soomaaliya ayaa waxay maanta ka dhacday gudaha magaalada muqdisho taasi oo lagu sagootinaayay ardaydii ku guuelysatay deeqihii waxbarashada ahaa ee ka yimi dalka suudaan sanadkani kuwaasi oo tiradoodu ay gaarayso ilaa 46 arday.

Xafladani ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliiyin farabadan oo ay ka mid ahayaayeen safiirka suudaan u jooga dalka soomaaliya ,agaasimaha guud ee wasaarada hidaha iyo tacliinta sare iyo agaasimaha wasaarada hidaha iyo tacliinta sare qeybta waxbarashada,abwaano,waalidiin iyo ardaydii deeqahaasi ku guuleystay.


Waxaana ka hadlay xafladaasi agaasimaha guuud ee wasaarada hidaha iyo tacliinta sare abuukar daahir maxamed waxaana uu aad u boogaadiyay ardaydii deeqdaas helay isagoona si aad ah uu ugu mahadceliyay xukuumada suuudan.


Sidookale waxaa kahadalay xafladaasi sagootinta ahayd safiirka suudaan u jooga dalka soomaaliya fadhiil tasuuli waxaana uu tilmaamay in xukuumada madaxweyne cumar albashiir ay markasta ku dadaasho sidii ay ardayda soomaalida ugu caawinlahayd waxbarashada waxaana uu sheegay in soomali iyo suudan ay yihiin dad walaala ah isagoona arday ugu celceliyay hadii ay suudaan tagaan in ay lamid tahay iyaga oo jooga dalkooda soomaaliya.


Dhankale wasaarada hidaha iyo tacliinta sare ee Dkmgs waxay shaaca ka qaaday in la musuq maasuqay deeqo dhawaan wasaarada ay ka heshay dalka yeman waxaan arintani sharaxaya agaasimaha guud ee wasaaradaha hidaha tacliinta sare abuukar daahir maxamed.


Agaasimaha ayaa waxaa uu madaxda sare ugu baaqay in ay wax ka qabtaan arintani ku saabsan musuq maasuqa deeqihii ka yimi dalka yeman.


Si kasta Ma ahan markii ugu horeysay oo DMG soomaaliya gaar ahaan wasaaradan hidaha iyo tacliinta sare ay deeq waxbarasho u dirto dalka suudaan arday soomaaliyeed.waxaana ugu dambeysay xiligii uu wasaaradaasi madaxda ka ahaa allaha u naxariistee proff ibraahin xasan cadow

Related Items


Leave a comment