Fadhiga barlamanka oo lagu wado in uu ka dhaco magaalada Muqdisho

Saturday November 27, 2010 - 12:37:23
0 Comments
902
Super Admin
Muqdisho.Mudanayasha barlamanka KMG Soomaaliya ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay kulan ku yeeshaan Xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho, iyadoo Ajandaha maanta barlamankana uu yahay ansixinta Xukuumadda Ra’iisul wasaare Farmaajo.

Fadhigaani lagu wado in barlamanka Soomaaliya ay saacadaha soo socda ku yeeshaa Xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa Ajandaha looga doodayo waxaa uu yahay u codeynta Xukuumadda Ra’iisul wasaare Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo.

Mudanayaasha barlamanka KMG Soomaaliya ayaa kulankii kan ka horeeyay ee 22-kii bishaan ay ku yeesheen hoolka barlamanka ee magaalada Muqdisho waxaa ay isku mari waayeen in Xukuumadda loogu cudeeyo qaab gacan taag ah iyo in loogu siiyo codka kalsoonida qaab qarsoodi ah.

Xildhibaan Ibraahim Xasan Buule oo ka mid ah Xoghaynta gudoomiyaha barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxa uuBurtinletimes u xaqiijiyay in fadhiga barlamanka KMG uu maanta qabsoomayo.

Sidoo kale Xildhibaan Max’ed Cumar Maxamuud oo isna ka mid ah Mudanayaasha barlamanka ayaa waxaa uu ugu baaqay barlamanka Soomaaliya inay maanta codka kalsoonida siiyaan Xukuumadda Ra’iisul wasaraaha Max’ed C/laahi Max’ed.

Waxaa jiray baaqyo kala duwan oo mudooyinkii dambe loo jeedinayay Mudanayaasha barlamanka KMG Soomaaliya kuwaasi oo looga dalbanayay in codka kalsoonida siiyaan Xukuumadda oo uu soo magacaabay Ra’iisul wasaare Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo.

wixii war ah oo ka so kordha kala xariira isha wararka Xaqiiqada

Burtinletimes.com

Related Items


Leave a comment