Ciidamada Ahlu Sunna oo dilay Wiil ay ugu shakiyeen Al Shabaab

Saturday November 27, 2010 - 12:42:44
0 Comments
1666
Super Admin
Muqdisho: Ciidamo ka tirsan Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa habeenimadii xalay wiil dhalinyaro ah oo looga shakiyay in uu xirii laleeyahay Al Shabaab waxaa ay ku dileen xaafadda Ceeldheere degmada Dharkenleey ee gobolka Banaadir.

Wararka ka imaanay xaafadda Ceeldheere ee degmada Dharkenleey ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay fiidkii ciidamada Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ay ku dileen xaafadaasi wiil dhalinyaro ah.

Wiilka la dilay ayaa la sheegay in looga shakiyaya in uu xiriir lalaha ciidamada Xarakada Mujaahidiinata AL Shabaab maadaama aan si dhab ah loo ogayn in uu ahaa Al Shabaab waxaana dilka wiilkaasi ka dambeysay xili ciidamada Ahlu Sunna ay ku gaafwareegayaan qeybo ka mid ah degmada Dharkenleey ee gobolka Baanadir.

Mid ka mid ah dadka deegaan degmadaasi oo diiday in la shaaciyo magaciisa sababa laxiriira amaanka ayaa waxaa uuBurtinletimes u xaqiijiyay in ciidamada Ahlu Sunna ay dileen wiilka dhalinyarada ah, waxaan cabsi iyo qal qal xoogan arintaasi ay ku abuurtay dhalinyarada degan degmadaasi Dharkenleey.

Mudooyinkii dambe aya ciidamada Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca waxaa ay howlgalo ay ka wadeen xaafadaha degmadasi ay kaga sugan yihiin hase ahaatee waxaana la’ogayn cidda ay ku qab qabteen howlgaladaasi baaritaano;

Wixii war ah oo ka soo kordha kala xariir Isha wararka xaqiiqada ah

www.Burtinletimes.com


Related Items


Leave a comment