Mogdisho: Dagaalo iyo duqaymo markale ka socda saaka Magalada Muqdisho

Sunday November 28, 2010 - 11:10:48
0 Comments
981
Super Admin
Dagaalo iyo duqaymo markale ka socda saaka Magalada Muqdisho kuwaas oo u dhexeeya kooxa ka soo horjeeda Dowlada somalia iyo ciidama nabad ilaalinta ee Aminson
Dagaallo leesu adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa goor dhaw waxa ay kabilaawdeen goobaha ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM iyo kuwa mucaaradku ay isku hor fadhiyaan ee waqooyiga caasimadda.

Dagaalkaan oo ilaa xilligaan socda ayaan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee kadhashay waxaana dadka goob joogayasha ahi ay sheegayaan in dagaalkaasi uu yimid kadin markii Xarakada Mujaahidiinta AL shabaab ay weerar ku qadeen gooba ay fariisima ku leeyihiin ciidamada Dowlada iyo Kuwa AMISOM oo ku yaalla degmada Boondheere ee gobalka Banaadir.

waxaa laga maqalayaa magaalada qeyba badan oo kamid ah diryanka madaafiicda leesla dhacayo, iyada oo dagaalkaani uu qeyb lanoqonayo dagalla caadi ka noqday magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya kuwaa inta badan dadka wax u noqdaahi ay shacab yihiin.

MCG Online

Related Items


Leave a comment