Burtinle: Wafti hor leh oo u badan Nabadono oo gaaray Deganka Maygaagle

Sunday November 28, 2010 - 11:28:13
0 Comments
2394
Super Admin
Wafti hor leh oo u badan Nabadono ayaa gaaray Deegaanka Maygaagle si ay uga qayb qaataan wada hadal la filayo in uu furmo maanta kaas oo u dhexeya labo beelood oo halkaas isku haya sido kalena ay ugu raadiya dhalinyaro iyo xoolo halkaas ugu xayiran ciidamada ismaamulka somalida ethiopia Xoriyadoodii.

Deegaanka maygaagle ayaa horay waxaa u gaaray Mudayaal uu hogaaminayo Suldaan Maxmed Axmed Cabdile ayga oo ka qayb qaadanyey in ay nabad kala dhex dhigaan beelaha walaalaha ah ee deegaankaas isku haya oo kala ah Beesha Dhulbahante iyo Beesha Yuusuf Daarood Awrtable

Nabadona ayaa sidoo kale waxay halkaas u gaareen ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in falal la xiriira ishayna beelaha ay xireen ciidamo ka tirsan maamulka somalida ethopia dad ka soo jeeda labada beelood midood iyo xoolo ay wateen

Warar aan ka helayno Waftiyada halkaas gaaray ayaa sheegaya in maanta ay bilaabanayso is hor imaad ayada oo la filayo in ay maanta helaan xoriyadooda dhalinyaraad oo in isbuuc ku dhow ayaga iyo xoolohoodu ahaa bilaa xoriyada

kala soco wararka burtinletimes.com

MCG Online

Related Items


Leave a comment