MOgdisho: Duqaymaha iyo dagaalada Xamar oo xaladoodu allow sahal tahay

Tuesday November 30, 2010 - 11:37:32
0 Comments
1095
Super Admin
Xalay ilaa saakay ayaa laga maqlayaa magaalada Xama duqeymo iyo dagaalo kuwaasoo u dhaxeeya dhinacyada iskaga soo horjeeda caasimada dalka Soomaaliya.
Dagaalo iyo duqeymo xoogan oo u dhaxeey ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Mujaahidiinata Al Shabaab ayaa saakay ilaa xalay waxaa uu ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Dagaaladaan iyo duqeymahaan ayaa bilaawday xalay fiidkii kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Xarakada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda KMG iyo AMISOM ay ku leeyihiin degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Dagaalka ayaa waxaa la isku adeegsaday hub cul culus, waxaana dagaalkaasi ciidamada dowladda KMG kala qayb qaadanayay kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo madaafiic farabadan ay ku dhacaysay deegaano ka baxsan degmada Boondheere uu dagaalku ka socday, iyadoo duqeymahaasi ay saameyn xoogan ku yeesheen deegaano ay ku sugan dad faro ku tiris ah oo horey ugu haray dadkii ka barakacay deegaanadoodda.

Mid ka mid ah dadka ku nool degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ayaa saakay waxaa ay warbaahinta u sheegay in duqeymaha ay bilaawdeen xalay ilaa saakayna ay ka dhacayeen degmooyinka dhaca Woqooyi ee magaalada Muqdisho.

Inkastoo duqeymahaan xalay ay ka dhacayeen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir ayaa hadana saakay waxaa jira duqeymo kale oo iyana ku dhacayay degmada Hodan ee gobolka Banaadir taasi oo ilaa iminka aan la’ogayn qasaaraha dhabta ah oo ay gaysteen, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada dagaalada iyo duqeymaha ku dhexmaray gobolka Banaadir.

Dagaalada iyo duqeymaha inta badan ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa dhibaatada ugu badan waxaa ay kasoo gaartaa dadka maatida ah, kuwaasi oo aanay jirin cid dhag jalaq u siisa dhibaatooyinkooda, iyadoo dhinackasto uu sheegto in uu guulo ka gaaray dagaaladaasi, hase ahaatee aan u muuqan dhimashada, dhaawaca iyo barakaca ay samaynayaan dadka rayidka ee lagu dul dagaalamayo deegaanadooda.

Related Items


Leave a comment