Madaxweynihii dowlada KMG Carta oo tilmamay in somaaliland tahay gobol kamid ah somaaliya.

Friday January 12, 2024 - 14:29:19
0 Comments
85
ahmed raajaa
QAHIRA
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Somaliland ay tahay gobol ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

"Soomaaliland heshiis lama gali karo dal sida Ethiopia ah,tallaabadaasi ay qaadeenna waa waxba kama jiraan”ayuu yiri Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Madaxwenihii hore ayaa ku tlmaamay heshiiskaasi mid aan soconeyn oo loo qaaday waddo qaldan,mana jirto ayuu yiri cid qaadaneysa damaca Itoobiya ee badda Sooamaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan waxa uu u mahadceliyay dowladaha ka hadlay damaca Itoobiya iyo sida ay u garab taagan yihiin midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment