Mogdisho: Caasumada oo saaka ku waa bariisatay dagaladii joogteenyey mudooyinka dheer

Wednesday December 01, 2010 - 09:28:56
0 Comments
1302
Super Admin
Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo maleeshiyaadka ka soo horjeeda ayaa saakay ka dhacay Degmooyinka Boondheere iyo Shibis ee magaalada Muqdisho waqtigii salada subax ka hor asaga oo soo gaaray ilaa waa barigii

Dagaalka oo bilowday wax yar kaddib salaadii subax ee saakay kaddib markii Maleeshiyaadka dagaallada wada ay weerar ku soo qaadeen fariisimaha ciidamada ee Aaggaasi.

Gudoomiyaha dagmada Shibis Kulmiye Yabarow Haruur oo saakay la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in maleeshiyaadka dowladda ka soo horjeeda ay ay khasaare xooggan gaarsiiyeen ciidamada Dowladda oo wali ku sugan goobahoodii.

Kulmiye Yabaroow ayaa sheegay in maleeshiyaadku ay uga carareen goobaha lagu dagaalamay 6 dhallinyaro ah oo ku dhimtay dagaalka, kuwaas oo uu sheegay in lagu soo qalday dagaallada.

Qeybo badan oo ka mid ah magaalada ayaa saakay laga maqlayay dagaalladan oo watay Madaafiic, lamina oga qasaaraha ay dadka rayidka ah gaarsiiyeen.

Related Items


Leave a comment