Wasiiru dowlaha wasaaradda Amniga gudaha XFS oo cod dheer ku yiri ma ogolin qaadashada baddeena

Sunday February 04, 2024 - 14:52:31
0 Comments
64
ahmed raajaa
MUQDISHO
Wasiiru dowlaha wasaaradda Amniga gudaha XFS mudane Maxamed Cali Xagaa oo ka qeybgalayay kulan looga soo horjeeday damac gurracan dowaldda Itoobiya ee baddeenna Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda soomaliya aysan marnaba aqbali karin qaadashada iyo ku xadgubka qaranimad iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed,naftana loo horayo difaaca dalka.

"waxaan cod dheer ku leenahay ma ogolin qaadashada Baddeenna , waxaana u hureynaa nafteenna iyo maalkeenna difaaca dhulkeena ” sidaasi waxaa yiri Wasiir Xagaa

Wasiira xagaa ayaa dhammaan ummadda soomaaliyeed meel walba oo ay jogaan gaar ahaan shacabka ku nool gobolada waqooyi ugu baaqay in ay u midoobaan difaaca dalka,oo xadgudub qaawan ay ku soo sameeysay dowladda Itoobiya.

Wasiiru dowlaha Amniga gudaha Mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa Maamulka waqtigiisu dhamaaday ee Muusa Biixi anan marnaba laga ogolaan doonin in uu bixiyo taako kamid ah dhulka,layskana cilin doono haddii Itoobiya isku daydo in ay u soo dhaqaado Badda Soomaaliyeed.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment