Mogdisho: Wasarada Tamarta iyo Biyaha DKM oo sheegtay in ay sharci u samayn doonto Shirkadaha Shidaalka

Thursday December 02, 2010 - 18:18:14
0 Comments
1602
Super Admin
Wasaarada Macdanta, biyaha, tamarta iyo shidaalka ayaa sheegtay in ay shuruuc u sameyneeyso shirkadaha shidaalka ee dalka ka howgala islamarkaana ay dib u habeeyneeyso shaqada wasaaradaasi

Wasiirka cusub ee waaaradda Macdanta, Biyaha, Tamarta iyo Shidaalka iyo ku xigeenkiisa oo maanta booqday xarunta KMG ah ee Wasaaradaasi ayaa waxa uu sheegay in ay wax weyn ka qabanayaan howlaha Wasaarada horyaala, isagoo tilmaamay in ay sharciyeeynayaan Shirkadaha Shidaalka, sidoo kale waxa uu tibaaxay in howlhii Wasaaradaasi ay qaban jirtay oo dhan sida Biyaha Korontada iyo Shidaalkaba ay gacanta ugu jirto dad rayid ah ayna Wasaaradu u sameyn doonto nidaam sharci ah oo ay howshooda ku sii wataan.

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi ayaa xusay in wasaaradu ay dardar gelin doonto howlaha wasaarada isagoo ku guubaabiyay shaqaalaha wasaaradaasi in ay u diyaar garoobaan howl adag, si looga mira dhaliyo howlaha wasaarada.

Wasiirka cusub ee Wasaarada Macdanta, Biyaha, Tamarta iyo shidaalka C/risaaq Sh. Muxudiin ayaa si rasmi ah maanta ula wareegay xilka Wasaaradaasi, isagoo hoosta ka xariiqay in wasaaradu ay ku dhaqaaqi doonto horumar iyo waxqabad.

Related Items


Leave a comment