Sudan: Labo darwal oo u dhashay Somalia oo lagu dilay K/Sudan

Saturday December 04, 2010 - 11:45:58
0 Comments
1502
Super Admin
Labo darewal oo somalia ayaa lagu dilay Magalada Juba ee Xarunta K/sudan waqti ay ku jireen Howl maameedkoda Shaqo
Labada nin oo Soomaaliya u dhashay isla markaasina wadayaal gaadiidka BLka ka ahaa dalka Suudaan ayaa waxay kooxo hubeysan ku dileen iyagoo ku guda jira howlahoodii xilli ay marayeen waddo aad u mashquul badan, kuwaasi oo iyagu ka dhacay wixii hanti ahaa ee ay heysteen kaddib markii ay dileen.

Mid ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Jubba ee Koofurta wadanka Suudaan ayaa waxa uu sheegay in dilka loo geystay labada muwaadin uu dhacay kadib markii ay kasoo ambabaxeen Magaalada Jubba kuna sii jeedeen magaallo kale oo loo yaqaano Boor, waxa uuna sheegay in meydkooda la dhigay isbitaal ku yaala magaaladaasi.

Wararku waxay intaasi ku darayaan Magaalada Jubba ee Koofurta dalka Suudaan ayaa ah magaallo ay muddoyinkii ugu dambeeyay u safar tagayeen Muwaadiniin faro badan oo Soomali ah kadib markii laga abuuray halkaasi Ganacsi aad u weyn, waxaana jira dad u dhashay wadamo kala duwan kuwaas oo u ganacsi taga magaaladaasi iyo gobollada kale ee ku yaalla koofurta dalka Suudaan.

Dhinaca kale waxaa jira kooxo burcad ah kuwaas oo kasoo jeeda dalka Suudaan islamarkaasna ku nool waxyaabaha ay ka boobaan ganacsatada ka shaqeysata Koofurta Suudaan, iyagoo inta badan dilal u geysta dadka aan u dhalan dalkaasi ee ka kala yimaad wadaamada kale ee ka tirsan qaaradad Afrika.

Related Items


Leave a comment