Nairobi: Xaafada Islii oo baaritaano ay ka wadaan Police ka Kenya

Saturday December 04, 2010 - 16:39:25
0 Comments
1504
Super Admin
Xaafada Islii eee magalada Nairobi ayaa baaritaano ay ka wadaan Policeka Kenya sabaso la xiriira qarax shalay ay dhib ka soo gaartay Police ka Kenya o marayey Xaafada Kezawi ee Islii

Kadib qaraxyo lagu weeraray Askar ka tirsan Ciidamada Booliska Dalka Kenya xaafadaha Islii iyo Kazarani ee Dalka Kenya waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askartaasi.

Ciidamada oo hubaysan ayaa saakay howlgalo baaritaano ah waxay ka wadaan Xaafada Islii oo ah xaafad ay ku badan yihiin Soomaalida, waxaana hakad ku jira ganacsiga Soomaalida Islii.

Taliska ciidamada Booliska ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano la xariirta weerarada qaraxyada dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay Askartooda oo maalintii shalay lagula eegtay xaafadaha Kazarani iyo Islii ee Dalka Kenya.

Waxaa cabsi wayn dareemaya Dadka somalida oo xaafadaas aad u dagan waxaana ay idhaha ku hayan waxaa ka soo yeeri doona baarida ay waadaan ciidamadu

Related Items


Leave a comment